Madaxweyne Biixi oo xadhiga ka jaray mashaariic xukuumaddu ka hirgelisay Berbera

0
1152

Berbera (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga gobolka Saaxil, ayaa maanta dhagax-dhig iyo xadhig-ka-jaris ku sameeyey mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay gobolka iyo kuwo haatan la bilaabi doono.

Madaxweynaha, ayaa ugu horrayn xadhigga ka jaray 62-KM ah oo ah waddada laamiga ah ee u dhexaysa Berbera iyo Burco oo xukuumaddu dib u cusboonaysiisay.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu dhagax-dhigay 64 KM oo ah oo waddada isku xidhaysa magaalooyinka Sheekh iyo Berbera oo xukuumaddu dhawaan dib u cusboonaysiin ku samayn doonto.

Waxaa kale oo uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xadhigga ka jaray Buundada weyn ee KALA-JAB oo ay xukuumaddu dhammaystirtay.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sidoo kale kormeeray dhismeyaal cusub oo loo binaynayo qaar kamid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Berbera, kuwaas oo dhismehoodu ka socdo duleedka magaalada Berbera, isaga oo dhagax-dhigay mashruuca DUBAAR oo lagu dhagax-dhigayo 20-Ceel Biyood iyo waddo 9KM ah oo lagu xidhayo keydka biyaha.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here