Madaxweyne Biixi oo Wareegto ka soo saaray kiisaska Kufsiga

0
2489

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu wareegto Madaxweyne ka soo saaray wax ka qabashada fal-dambiyeedka kufsiga oo ay golaha Wasiirradu fadhigii 129aad, ee qabsoomay 13/06/2024, ku go’aamiyeen in nidaamka garsoorka loo daayo go’aan ka gaadhidda arrimaha kufsiga.

Madaxweynaha, ayaa go’aamiyay in fal-dambiyeedka kufsiga loo daayo Maxkamadaha dalka ee awoodda u leh, si eedaysanayaasha ku kaca fal-dambiyadaas loo mariyo ciqaabta sharci ee ay mutaysteen, sidoo kalena loo xaqiijiyo dhawridda xuquuqaha iyo xoriyaadka aas-aasiga ah ee muwaadiniinta.

Waxaa uu sidoo kale faray Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka inay xaqiijiyaan in eedaysanayaasha ku kaca fal-dambiyeedka kufsiga la horgeeyo maxkamadaha awoodda u leh.

Go’aankan, ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan Madaxweyne Biixi uu sheegay in ay jiraan 11 nin oo kufsi wadareed gabadh u wada geystay kuwaas oo la diiday in sharciga la hor geeyo.

Wareegtada madaxweynaha, ayaa u dhignayd sidan:-

“Wareegto Madaxweyne-24-06-2024.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne ka soo saaray Wax-ka-qabashada Fal-dambiyeedka Kufsiga oo ay Golaha wasiirradu fadhigii 129aad, ee qabsoomay 13/06/2024, ku go’aamiyeen in nidaamka garsoorka loo daayo go’aan ka gaadhidda arrimaha kufsiga;

Wareegto Madaxweyne Wax-ka-qabashada Fal-dambiyeedka Kufsiga

Markaan Arkay: Qodobbada 90aad iyo 36aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wasiirrada ee fadhigii 129aad, ee qabsoomay 13/06/2024, fadhigaas oo uu Goluhu ku go’aamiyey in nidaamka garsoorka loo daayo go’aan ka gaadhidda arrimaha kufsiga;

Markaan Arkay: In muddooyinkan dambe ay Gobollada iyo Degmooyinka dalka ay ku soo badanayaan fal-dambiyeedka Kufsigu, falalkaas oo khatar ku ah nabad-gelyada guud ee Qaranka;

Markaan Garwaaqsaday: Muhiimadda ay leedahay in sharciga la-horgeeyo eedaysanayaasha ku kaca fal-dambiyeedka kufsiga;

Waxaan Go’aamiyey;

1) In fal-dambiyeedka kufsiga loo daayo Maxkamadaha dalka ee awoodda u leh, si eedaysanayaasha ku kaca fal-dambiyadaas loo mariyo ciqaabta sharci ee ay mutaysteen, sidoo kalena loo xaqiijiyo dhawridda xuquuqaha iyo xoriyaadka aas-aasiga ah ee muwaadiniinta.

2) Waxaan farayaa Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku ay xaqiijiyaan in eedaysanayaasha ku kaca fal-dambiyeedka kufsiga la horgeeyo maxkamadaha awoodda u leh, waxaana ka reeban in lagu xaliyo nidaam aan ahayn nidaamka garsoorka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here