Madaxweyne Biixi Oo Tacsi U Diray Sheekh Maxamuud Suufi Oo Caawa Hargeysa ku Geeriyooday

0
302

Hargeysa,(HargeisaPress) – Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhambaal Tacsi ah u diray Alle ha u Naxariistee Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed oo ka mid ahaa Culimada waaweyn ee Somaliland.

Dhambaalka Tacsida ah ee Madaxweynaha ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Dawladda iyo ka Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka, Culimo-awdiinka, Eheladii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Wasiir hore Marxuum Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 16/04/2023 Caasimada Somaliland Ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey Sheekh Caalim ah oo ka baxay Dalka iyo Dadka, tacab badana geliyey oo cilmiga diinta soo baray culimo badan oo maanta dalku leeyahay, isagoo ka soo qayb-qaatay marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray sida; nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, isla markaana ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Diinta iyo Aw qaafta Somaliland wakhtihii Xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin,
Waxa uu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Qaranka, Culimo-awdiinka Eheladii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqu ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here