Madaxweyne Biixi oo Taageerayaasha KULMIYE ee Balligubadle kala qaybgalay debaal-dega ololaha

0
1193

Balligubadle (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka magaalada Balligubadle kala qaybgalay dhoolatuska ololaha oo maanta halkaas u tegay maalinta saddexaad ee ololaha xisbiga KULMIYE.

Dadweyne tiro badan oo kamid ah shacabka reer Balligubadle, islamarkaana lulaya astaamaha xisbiga KULMIYE iyo caleemo qoyan, ayaa madaxweynaha iyo xubno wefti ah oo uu hoggaaminayo ku qaabilay duleedka magaalada Balli-gubadle, waxana ay u gelbiyeen goob fagaare ah oo loo asteeyey in bulshada lagala hadlo.

Sidoo kale, Madaxweynaha, ayaa sidoo kale lagu soo dhaweeyey deegaanno kala duwan oo hoos yimaadda gobolka Hawd, kuwaas oo ay kamid yihiin, gumburaha iyo Kaamtuug, waxana si weyn usoo dhaweeyey taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee deegaannadaas ku dhaqan.

Maamulka gobolka, xildhibaanno, salaadiinta deegaanka, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo mudan kale oo halkaas ka hadashay, ayaa soo dhaweeyey madaxweynaha, waxana ay bulshada reer Balli-gubadle uga mahadnaqeen taageerada luxdan ee ay u muujiyeen iyo soo dhaweynta xamaasadda leh ee ay ku qaabileen.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay shacabka reer Balli-gubadle, ayaa uga mahadnaqay soo dhaweyntooda, waxana uu si qoto dheer u sharraxay muhiimadda ay Balli-gubadle u leedahay halgankii dalka lagu xoreeyey iyo sida ay muhiim ugu tahay Somaliland-nimada.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here