Madaxweyne Biixi oo Soomaaliya Uga Digay Faro-gelinta iyo Carqaladeynta Ay Ku Hayso Somaliland

0
1727
Madaxweyne Biixi oo Shaaciyay Mudada Burburka Xisbiyada
Madaxweyne Biixi

Hargeisa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey 30 guurada ka soo wareegtay maalinta qaranimadda Somaliland ee 18 May, ayaa si qoto dheer uga hadlay marxaladihii kala dambeeyay ee ay Somaliland soo martay.

Madaxweyne Biixi, ayaa dhanka kale eedayn kulul u jeediyay Soomaaliya isagoona ku eedeeyay in ay caqabad ku tahay aqoonsi ay Somaliland hesho.

“Maanta dalalka boqol iyo dhowr iyo sagaashanka dowladood ee aduunka jira dowladda qudha ee aan oglayn ee ka soo horjeeda qaranimada Soomaaliland waa dowladda Xamar ka dhisan ee wakhtigeedu dhamaaday,” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxaa kale oo uu si weyn uga digay faro-gelinta iyo carqaladaynta ay maamulka Muqdisho ku hayso Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxana madaxweynuhu uu sheegay in haddii aanay colaadintaas ka waantoobin maamulka Muqdisho ay keeni doonto Aafo riiq dheeraata oo ku habsata, guud ahaanba shucuubta Soomaalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here