Madaxweyne Biixi oo Socdaal Ku Tagaya Dalka Kenya

0
892
Nairobi (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu socdaal ku tago magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay in uu dhamaadka bishan uu socdaal shaqo ku tagi doono dalka Kenya, inkasta oo xogta safarkaasi si rasmiya loo ogeyn, haddana ma cad in uu marti qaad uu ka helay Madaxweynaha Kenya uu ku tagayo.
Wararka laga helayo safarka Biixi ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in safarkiisa uu Kenya ku tagayo dhamaadka bishan ay ka soo shaqeeyeen siyaasiyiin miisaan culus ku leh dalka Kenya.
Madaxweyne Biixi ayaa la filayaa in uu Nairobi kulan kula yeesho Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, taasi oo ka dhigaysa Biixi madaxweynihii saddexaad ee Somaliland ee ay qaabilan madaxweynayaasha Kenya.
Safarkan la filayo in uu Madaxweyne Biixi ku tago dalka Kenya ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili ay hore u sheegeen siyaasiyiin Kenyan ah in Madaxweyne Biixi uu socdaal ku iman doono Nairobi inta aanu dhamaan sanadkan.
Dowladda Kenya ayaa culeys weyn kala kulmeysa qaar kamid ah siyaasiyiinteeda miisaanka culus, kuwaasi oo ku cadaadinaya in Kenya ay sii xoojiso xidhiidhka ay la leedahay Somaliland.
Siyaasiyiintan oo qaarkood wasiiro ah ayaa xoojinta xidhiidhka Somaliland oo u arka tallaabo lagu cadaadinayo Dowladda Soomaaliya oo xiisad dhanka muranka badda ah ay kala dhaxeyso Kenya.
Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here