Hargaysa (HP): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta munaasibad hadhi-sharafeed ah xarunta qasriga madaxtooyada ugu sameeyey xubnaha golaha wakiillada ee ay shacabku soo doorteen 31-May ee sannadkii dhammaaday ee 2021-kii.
Kulankan hadhimada ah ee uu madaxweynuhu ku sharfay xubnaha golaha wakiillada, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).
Guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, gudoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, gudoomiyaha maxkamadda sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, maayarka caasimada Hargeysa Mudane Cabdikariim Axmed Mooge.
Mudaneyaasha golaha wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah madaxda hay’adaha kala duwan ee xukuumadda iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.
Waxaana madasha loogu mahadnaqay madaxweynaha qaranka ee casuumadda u sameeyey, iyada oo sidoo kalena lagu hogo-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay inay si habsmi leh u wada shaqeeyaan saddexda dhardaar ee qaranku ka kooban yahay, kuwaas oo kala ah fulinta, sharci-dejinta iyo garsoorku.
Ugu horrayn guddoomiyaha golaha wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo madasha ka hadlay, ayaa madaxweynaha qaranka uga mahadceliyey sida uu ugu sharfay casuumadda, isaga oo intaas ku daray inuu madaxweynuhu yahay hoggaamiyihii qaranka, islamarkaana uu xaq u leeyahay inuu u yeedho oo la kulmo goleyaasha kala duwan ee dalka.
Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa isaguna dhankiisa si mug leh u hogo-tusaaleeyey saddexda dhardhaar ee qaranku ka kooban yahay iyo hannaanka ay u wada-shaqeeyaan, waxana uu xildhibaannada kula dardaarmay inay waqti badan geliyaan sidii ay bulshadii soo dooratay ugu shaqayn lahaayeen, kuna fikiraan sidii ay mustaqbalkooda siyaasadeed u dhisi lahaayeen.
Sidoo kale guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay casuumad-sharafeedda uu u sameeyey xubnaha golaha wakiillada, waxana usoo jeediyey inay la shaqeeyaan madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, maadaama oo uu madaxweynuhu yahay hoggaamiyaha guud ee qaranku leeyahay, isaga iyo golahana ay ka dhaxayso wada-shaqayn ballaadhani.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo casuumaddan sameeyey ayaa xildhibaannada uga mahadnaqay inay soo ajiibeen, isaga oo hoosta ka xarriiqay in farriintiisu tahay in kala duwanaanshaha Aaraa’da la isku ixtiraamo, si ilbaxnimo lehna loo doodo oo halka codku u bato uun la ixtiraamo.
DAAWO: Munaasibadaasi iyo Hadaladii Laga Jeediyay:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.