Madaxweyne Biixi oo kulan la qaatay salaadiinta iyo ganacsatada gobolka Daadmadheedh

0
1511

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu maanta kulan la qaatay odayaasha dhaqanka, waxgaradka, aqoonyahanka, ganacsatada iyo dhalinyarada ka soo jeeda gobolka Daadmadheedh.

Kulankan dhexmaray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Salaadiinta iyo Ganacsatada deegaanada Daadmadheedh ka soo jeeda, ayaa ka dhacay aqalka Madaxweynuhu ka degan yahay magaalada Hargeysa.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, kulankan, ayaa waxa lagaga wadahadlay in laga wada shaqeeyo lana xoojiyo danta guud ee qaranka Somaliland meelna looga soo wada jeedo wixii qarannimada wax u dhimaya.

Qoraalka Madaxtooyada, ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay labada dhinac isku raaceen in la dhiso lana taageero musharaxa madaxweynaha ee xisbi xaakimka Kulmiye iyo xukuumaddiisa.

Waxaa dhinaca kale qoraalka Madaxtooyada lagu sheegay in kulankaasi ku soo dhammaaday guul iyo is-afgarad buuxa.

Warka madaxtooyada ka soo baxay, ayaan faahfaahin dheeraad ah lagaga bixin waxyaabaha kale ee ay ka wadahadleen Madaxweynaha, Salaadiinta iyo ganacsatada ka soo jeeda gobolka Daadmadheedh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here