Madaxweyne Biixi oo kulan la qaatay Madax-dhaqameedka iyo Cuqaasha Beesha Ciidagale

0
1634

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay Madax-dhaqameedka iyo Cuqaasha Beesha Ciidagale.

Kulankan dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Cuqaasha Beesha Ciidagale, ayaa ka dhacay hoyga Madaxweynuhu ka degan yahay magaalada Hargeysa.

Waxana kulanka Madaxweynaha ku wehelinayay xubno ka mid ah xukuumaddiisa ee ka soo jeeda beesha, oo ay ka mid yihiin Wasiirka wasaaradda Qorsheynta qaranka Axmed Maxamed Diiriye Toorno, Wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta Jidadka Muuse Ibraahim Salaf, Maareeyaha hay’adda Duulista iyo Madaarada Cumar Sayid iyo Guddoomiye ku xigeenka hay’adda Qandaraasyada qaranka Cabdicasiis Cagaweyne.

Bayaan ka soo baxay madaxtooyada, ayaa waxaa lagu sheegay in kulankaas oo saacado qaatay, ay isku xog-waraysteen madaxweynaha iyo cuqaashu.

Waxana warka ka soo baxay madaxtooyada lagu sheegay in kulanka Madaxweynaha iyo Cuqaasha Beesha Ciidagale uu ku soo dhamaaday isfahan iyo duco oo ay cuqaashu ugu duceeyeen madaxweynaha qaranka.

Madaxtooyadu faahfaahin dheeraad ah kamay bixin ujeedka kulanka iyo arrimaha kale ee kulanka lagaga wadahadlay, waxaana xusid mudan in mudooyinkii u dambeeyay Madaxweyne Muuse Biixi kulamo gooni gooni ah la qaadanayay Madax-dhaqameedka beelaha Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here