Madaxweyne Biixi oo ka qaybgalay qalin-jebinta machadka shaqaalaha dowladda

0
1131

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ay ku qalinjebinayeen 214-arday oo ah dufcaddii 13-aad ee ka Aflaxda Machadka Shaqaalaha dowladda Somaliland (Civil Service Institute).

Xafladda qalin-jebinta waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno ka mid ah golaha wasiirrada, guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda, siyaasiyiin, hormuudka machadka shaqaalaha dowladda, haldoor, Ardayda maanta qalinbisay, waalidkooda iyo marti-sharaf kale.

Ugu horrayn, agaasimaha fulinta machadka shaqaalaha dawaldda Cumar Iid Qaloombi oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxy marxaladihii kala duwanaa ee machadku soo maray iyo sida uu astaan ugu yahay soo ifbaxa da’yar aqoon ku hubaysan oo kaalintooda buuxisa.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha, Khaalid Jaamac Qodax, guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Hillaac, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, guddoomiyaha guddida tacliinta sare, Prof. Saleebaan Dirir Cabdi iyo guddoomiyihii hore ee hay’adda shaqaalaha, Cabdiraxmaan Cadami oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa bogaadiyey ardayda maanta qalinjebisay, waxana ay kula dardaarmeen inay aqoontooda halkaas kasii wadaan oo ay ka faa’iidaystaan fursadaha waxbarasho ee gacantooda soo gala.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare, Dr. Axmed Aadan Buuxane, ayaa dhankiisa hambalyo u diray Ardayda Aflaxday, waxana uu usoo jeediyey inay dalkooda horumarkiisa wakhti badan geliyaan.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadda, ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray Ardayda ka qalinjebisay machadka shaqaalaha dowladda, waalidood iyo macallimiintii ku soo tacabtayba.

Waxana uu ku boorriyey dhallinyarada wax baratay inay aqoonta ay barteen bulshadooda ugu adeegaan, kuna dedaalaan sidii uga shaqayn lahaayeen horumarka dalkooda iyo dadkooda.

Madaxweynaha, ayaa ugu dambayn waxaa uu shahaadooyin guddoonsiiyey ardaydii kaalmaha sare ka galay kulliyadaha kala duwan ee uu ka kooban yahay machadka shaqaalaha dawladdu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here