Madaxweyne Biixi oo Ka Qayb-galay Aaska Qoys Guri Ku Dumay

0
832

Hargaysa (HP): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa galabta ka qaybgalay Aas qaran oo xabaalaha masallaha ee magaalada Hargeysa loogu sameeyay qoys Afar qof ka koobnaa oo xalay guri ku dumay.

Qoyskaasi ayaa kala ahaa Aabo, Hooyo  xaamilo ah iyo laba wiil oo ay dhaleen ka kooban oo uu xalay ku soo dumay gurigii ay jaar la’ahaayeen.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Badhasaabka iyo ku xigeenka gobolka Maroodi-jeex, maayarka caasimadda Hargeysa iyo xildhibaano ayaa Aaska qaran loogu sameeyey qoyska ka kooban Afarta qof kala qayb-galay Boqolaal dadweyne ah oo jinaasada ku sugnaa.

Waxaana halkaas laga jeediyey hadallo loogu baroor-diiqayo masiibada qoyskaas ku dhacday iyo dareenka heer qaran ee lagu sagootiyey.

Wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Diinta iyo Awqaafta, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Khaliil Cabdilaahi Axmed oo hadallo kooban ka jeediyey Aaska loo sameeyey qoyska xalay geeriyooday, ayaa marxuumiinta geeriyooaday Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  muujiyey culayska masiibada qoyskaas ku habsatay.

Isagoo xusay in qaranku murugada iyo naxdinta la wadaagayo ehellada iyo qaraabada ay marxuumiintaas isku qoyska ahi ka baxeen.

Waxaanu yidhi, “Waa geeri culus qoys dhan oo iyaga oo hurda masiibo ku habsatay iyaga oo aanay cidina ka bixin, waase Ilaahay qaddarkii, waana waxyaabaha lagu cibro qaato.

ILLAAHAY-na SWT dhammaantood ha u wada naxariisto, qoyskii iyo  reerkii ay ka baxeenna Ilaahay waxan uga rajaynayaa cawil khayr qaba.

Qaran ahaan aad baannu idiinka tacsiyadaynayaa, naxdintaana waa la idin la qaybsanayaa, waana masiibo qaran.”

Geesta kale qoyska maanta Aaska qaran loo sameeyey oo afar qof ka koobnaa, ayaa si wadar ah loo xabaalay.

Waxaanay ifka kaga tageen oo isagu masiibadaa ka badbaaday wiil yar oo ay marxuumiinta geeriyooday dhaleen, kaas oo ku maqnaa guryaha ehellada.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu guud ahaanba bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha biyo mareenka ah, si ay badqabkooda u sugaan.

Isagoo-na wadayaasha gaadiidkana faray inay ka feejignaadaan dhibka roobabka.

Hargeisa Press Desk/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here