Boorama (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa Kumannaan iyo kumannaan ka tirsan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee magaalada Boorama kala qaybgalay isu soo bax ballaadhan oo ay kaga qaybgalayeen maalinta labaad ee ololaha xisbiga KULMIYE oo maanta ku beegan.
Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Boorama oo ay hoggaaminayaan, xildhibaannada, madaxda dhaqanka, wasiirro, madaxda xukuumadda u qaabilsan gobolka iyo degmada Boorama, siyaasiyiin iyo haldoor kale, ayaa madaxweynaha ku qaabilay fagaaraha khayriyada.
Madaxweynaha Somaliland, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhawayntiisa ka dib waxaa uu khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee magaalada Boorama.
Madaxweynaha Somaliland, ayaa uga mahadnaqay soo dhaweynta iyo taageerada ballaadhan ee ay u muujiyeen bulshada reer Boorama.
Waxana uu tilmaamay inay xukuumadda uu hoggaamiyaa ay wax badan oo horumar ah ka qabatay gobolka Awdal.
Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa sidoo kale bulshada gobolka Awdal faray inay u codeeyaan ictiraafka, nabada, shaqo-abuurka iyo horumarka ee xukuumadda KULMIYE, isagoona sheegay in danta Somaliland ku jirto reer Awdal oo Xisbi yeesha.