Madaxweyne Biixi oo daah-furay Riig Wakaalada Biyaha Hargeysa soo iibsatay

0
1127

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu maanta xadhigga ka jaray Riig cusub oo ay soo iibsatay Wakaalada Biyaha ee Hargeysa.

Munaasibadda xadhig ka Jarka riiggan oo lagu qabtay xarunta wakaalada Biyaha Hargeysa, waxa madaxweynaha kala qayb galay xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, maamulka wakaalada biyaha, ganacsato, madax-dhaqameed iyo marti sharaf kale.

Waxaana madasha laga jeediyey hadallo lagu ammaanayo waxqabadka wakaalada iyo horumarka ballaadhan ee ay soo kordhisay.

Ugu horrayn, maareeyaha wakaalada Biyaha Hargeysa, Maxamed Cali Daarood oo hadalka ibo-furay, ayaa sharraxay  Riigga cusub ee ay wakaaladdu soo iibsatay iyo sida uu meesha uga saaray ku tiirsanaantii wakaalada ee riigagga gaarka loo lahaa.

Maareeyaha, ayaa wuxuu hoosta ka xarriiqay inuu riiggani awood u leeyahay inuu ceel dhererkiisu yahay 600 Mitir, kuna kacay dhaqaale lacageed oo gaadhaya $500’000.

Xubno ku hadlay afka dadweynaha ka faa’iidaystay wejiga labaad ee biyo balaadhinta caasimadda Hargeysa oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay heleen biyo nadiif ah oo ay cabbaan, isla-markaana ka raysteen biyihii booyadaha ee helitaankoodu adkaa, kharashkooduna badnaa.

Wasiirrada wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta reer Miyiga, Siciid Sulub Maxamed iyo horumarinta Biyaha, Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa soo dhaweeyey horumarinka ay ku tallaabsatay wakaalada Biyaha Hargeysa, waxana ay maamulka wakaalada u soo jeediyeen inay dedaalkooda sii wadaan.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo afmeeray, ayaa maamulka iyo shaqaalaha wakaalada Biyaha ku ammaanay waxqabadka ballaadhan ee ay hirgeliyeen.

Waxana madaxweynuhu uu ugu baaqay masuuliyiinta wasaarada Biyaha inay horumarka weyn ee ay hirgeliyeen sii ambo qaadaan.

Madaxweynaha, ayaa ugu dambayntii waxa uu shahaado-sharafyo lagu maamuusayo guddoonsiiyey qaar ka mid ah madaxda iyo shaqaalaha wakaalada Biyaha Hargeysa, kuwaas oo muujiyey dedaal iyo waxqabad badan muddadii ay shaqaynayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here