Madaxweyne Biixi oo caawa dib ugu soo laabtay Hargeysa

0
1377

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo safar shaqo ku marayey gobollada galbeedka dalka, ayaa caawa fiidkii dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa, ayaa waxaa galbeedka magaalada Hargeysa, si diiran ugu soo dhaweeyay dadweyne tiro badan, iyagoo muujiyay taageerada ay la barbar taagan yihiin xukuumadda Madaxweynaha Somaliland.

Dadweynaha, ayaa waxaa ay Madaxweynaha iyo weftigiisa ku soo dhaweeyeen, calanka Somaliland, ka xisbiga Kulmiye iyo caleemo qoyan, waxaanay ku dhawaaqayeen erayo ah “Somaliland ha guuleysato” Madaxweyne Muuse ha guuleyso”, waxaanay sii gelbiyeen intii uu ka gaadhayay hoygiisa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo qiiraysan, kuna faraxsan sida ay shacabku u soo dhaweeyeen, ayaa madaxa kala soo baxay gaadhigii uu saarnaa isagoona salaan ay ku dheehan tahay farxad iyo mahadcelin, siiyay dadweynaha.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa in muddo ah safar shaqo ugu maqnaa gobolada iyo deegaanada galbeedka, sida Gabiley, Boorama, Wajaale, Arabsiyo, Allaybaday, Dila, Qoolujeed, Xariirad, Boon, Dacarta, Faraweyne, Abaarso iyo deegaanada kale ee magaalooyinkaas.

Waxaanu Madaxweynuhu intii uu ku sugnaa magaalooyinkaas iyo deegaanadaas uu ka hirgeliyay, kana dhagax-dhigay mashaariico horumarineed oo xukuumaddu ka hirgelisey, kuwaasi oo ay bulshada deegaanadaasi baahi weyn u qabeen.

Linkigan hoose riix oo daawo muuqaalka

https://www.facebook.com/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here