Madaxweyne Biixi: “Ninka dambiilaha ah ee ciidanka qaranka laayay weligiiba ha-cawdo”

0
5143

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isla-markaana u taagan doorashada Madaxtooyadda markii labaad ee u tartamaya Xisbiga KULMIYE, ayaa xisbiga tartanka ugu weyn la filayo inuu dhexmaro ee mucaaradka ee Waddani ku eeddeeyay falkii Buurta Gacan-libaax.

Madaxweyne Biixi oo ay weheliyaan xubno ka mid ah golaha Wasiirrada ee Xukuumaddiisa iyo masuuliyiin Xisbiga ah, ayaa ka qayb galay munaasibad ay soo abaabuleen koox dhalinyaro ah oo sheegay innay si mutadawacnimo ah ula shaqaynayaan Xisbiga Kulmiye.

Waxaana uu ku hambalyeeyey dhallinyarada u soo baxday sidii codbixiyeyaasha taageersan xisbiga KULMIYE codkooda ugu dhiiban lahaayeen, isla-markaana ay hawshaas ku qabanayaan mutadawacnimo.

“Aad baan ugu faraxsanahay in dhallinyaradan mutadawiciinta ah ee muwaadiniinta ah ee xilka iska saaray innay aqoontooda uga qayb qaadan lahaayeen sidii Xisbiga KULMIYE ugu guulaysan lahaa doorashada maanta taagan.”ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweyne Muuse, ayaa sheegay in tartan uu kala dhexeeyo xisbiyada mucaaradka, balse aanay isku mabda ahayn ninka aan qarannimada ilaalilayn ee Somaliland dhaawacaya.

“Xisbiyada waxa naga dhexeeya tartan, laakiin ninka qaranimada aan ilaalinayn isku mabda ma nihin Ninka Somaliland dhaawacaya, kaasi maaha Somaliland ayuu raaciyay.

Sidoo kale, waxaa uu markii labaad ka hadlay heesaha Mucaaradka oo uu sheegay innay yihiin kuwo Ciidanka Qaranka wax lagaga sheegayo.

Madaxweyne Biixi, wuxuu sidoo kale, ku celiyay hadal uu hore uga dhawaajiyay oo uu ku soo qaatay dhacdadii Buurta Gacan-libaax, taas oo mar hore uu sheegay in laga daba tegayo dadkii falka lagu laayay Ciidanka geystay, isagoo hadalkiisa oo u muuqday mid hanjabaad ah raaciyay in xataa kuwii magta (Diyadda) ka bixiyay Askartaa sharciga lala tiigsanayo.

“Ninka dambiilaha ah ee ciidanka qaranka laayay, ninka mag ka bixiyey iyo isaguba waa dambiile, waana laga daba tegayaa, Qarannimada Somaliland lagu heli maayo ciidan qarankaan heeso ceeb ah u samaynayaa, waanan laynayaa, waanan ku faanayaa.” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here