Madaxweyne Biixi muxuu kala hadlay dhallinyarada, aqoonyahanka koonfurta iyo bariga Hargeysa?

0
1098

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu maanta kulan muhiim ah la yeeshay Dhallinyarada, Aqoonyahanka Koonfurta iyo Bariga Hargeysa.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada, ayaa lagaga wadahadlay arrimo qaranka dan u ah, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada.

Bayaanka madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in kulanka ay Madaxweynaha iyo Dhallinyaradu kaga wadahadleen arrimaha doorashooyinka iyo difaaca qarannimada.

Waxaanay Dhallinyaradu u ballanqaadeen madaxweynaha iyo Xisbi Xaakimka Kulmiye, sidii ay qarankan u sii hoggaamin lahaayeen, kuna barbar istaagi doonaan doorashada fooda inagu soo haysa, sida lagu sheegay bayaanka madaxtooyada.

Bayaanka, ayaa lagu sheegay in kulanka, ay Madaxweynaha ku wehelinaayeen masuuliyiinta xukuumadda ku metela Degaamadaas oo ay ugu horeeyaan Wasiir ku xigeenada Wasaaradaha Horumarinta Beeraha, Naasir Caydiid Maxamed, Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Muuse Ibraahim Yuusuf (Muuse Salaf), Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulimaadyada iyo Madaarada Somaliland, Cumar Sayid Cabdillaahi Aadan iyo siyaasiyiin kale oo uu ka mid yahay Xildhibaan hore Maxamed Cabdi Yoon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here