Madaxweyne Biixi iyo Madax-dhaqameedka Awdal oo Kulan Xaasaasiya Ka Yeelanaya Saami-qaysiga

0
1880
Madaxweyne Biixi

Hargeisa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Axadda Maanta la kulmaya Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal.

Ma Jiro War rasmiya oo ka soo baxay Ajandaha kulanka Maanta dhex maraya Madaxweynaha iyo Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal, balse Ilo-wareedyo Xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu Madax-dhaqameedka reer Awdal uu kala hadlayo Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Somaliland oo ay muddo dheer dood ka qabaan reer Awdal isla-markaana Saluugsan yihiin tirada Kuraasta ay ku leeyihiin Imika Golaha Wakiillada, kuwaasi oo dhan 13 Kursi.

Kulanka Maanta dhacaya ayaa imanaya laba Maalmood uun ka dib, markii ay Magaalada Boorama isugu soo baxeen Boqollaal dhallinyarada wax baratay ah, kuwaasi oo diiddan in Gobolka Awdal laga qabto doorasho aan ku salaysnayn Saami-qaybsi sharci ah, isku soo baxyadaa oo ka dambeeyay Heshiis saddexda Xisbi ee Somaliland la gaadheen in doorashada Golaha Wakiillada lagu galo sidii hore oo ah sida reer Awdal diiddan yihiin.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu doonayo inuu Madax-dhaqameedka oo ah Hoggaanka Beelaha Awdal inuu ku qanciyo in doorashada lagu galo sidii lagu galay doorashadii Wakiillada ee sannadkii 2005-tii.

Doorashadii 2005-tii ayaa la waafajiyey 33-kii Kursi ee Baarlamaankii Lixdankii ee Somaliland oo Gobollo loo qaybiyey 2.5, laakiin habkaasi waxaan ku qanacsanayn Reer Awdal oo ka helay 13 Kursi iyo Beelo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here