Madaxweynaha Yemen oo tagay Sucuudiga iyo Duqeyn Weli ku socota Dalkiisa

0
1109

Riyadh , (HargeisaPress) — Madaxweynaha dalka Yemen, C/rabbi Mansuur Haaddi ayaa gaadhay magaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga sida ay baahisay wakaaladda wararka dalka Sucuudiga, iyadoo isbahaysiga ay horkacayso Sucuudiga ay weli duqeymo kawadaan gudaha Yemen.

Arrintan ayaa noqonaysa markii ugu horreysay oo la ogaado halka uu sugan yahay Haaddi, kaddib markii laba maalmood ka hor uu ka baxay xaruntiisii KMG ahayd magaalada Cadan oo ay ku dhawaadeen mucaaradka Xuuthiyiinta.

Saraakiil ka tirsan xukuumadaha Sucuudiga iyo Yemen ayaa sheegay in lagu wado in haddi uu tago Masar, halkaasoo uu kaga qaybgalayo kulan ay dalalka carabtu isugu imaanayaan, kaasoo looga hadli doono xaaladda dalka Yemen.

Dhanka kale, dowladda Saudi Arabia iyo isbahaysigeeda ayaa weli sii wadda duqeymaha ay ka geysnayso deegaannada ay gacanta ku hayaan xoogagga Shiicada ah ee Xuuthiyiinta. Waxayna ms’uuliyiinta Sucuudigu sheegeen inay duqeynta wadayaa illaa ay ka burburiyaan Xuuthiyiinta.

Wasiirka arrimaha dibadda Yemen, Riyadh Yasin ayaa sheegay in duqeynta dalkiis ay ka wadaan isbahaysiga uu horkacayo Sucuudiga lagu soo gaba-gabeyn doono maalmo kooban, isagoo xusay in xilligaas lagu soo af-jari doono mucaaradka.

Boqortooyada Saudi Arabia aya asheegay in weerarrada ka dhanka ah Xuuthiyiinta ay ku yihiin kuwo looga hortagayo in Yemen uu cagaha la galo dagaallo sokeeye, ayna howlgal-ladooda ku difaacayaan xukuumadda la aqoonsan yahay ee Haaddi.

Ugu dambeyn, hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen Cabdulmaalik Al-Xuuthi ayaa hadal uu warbaahinta siiyay ku sheegay in dowladda Sucuudiga ay tahay dowlad nacas ah oo ku qamaatay ammaanka dalkeeda iyo kan gobolka oo dhan.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here