Madaxweynaha Somaliland oo u jawaabay dalka Turkiga

0
2238

Berbera (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu jawaab kulul ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga Hakan Fidan.

Madaxweyne Biixi, ayaa faragelin ku tilmaamay soo jeedintii Wasiirka arrimaha Dibedda Turkiga Hakan Fidan, uu ku sheegay in khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya uu ku dhamaan karo Itoobiya oo arrimaha badda kala hadasha Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in aanay suuragal noqon doonin in Somaliland looga taliyo magaalada Muqdisho, isagoona ku tilmaamay in cad ceed galbeed ka soo baxday in Somaliland looga taliyo Xamar.

Hase yeeshee, Madaxwaynaha, ayaa wax aan suuragal ahayn ku tilmaamay in heshiis ay Soomaaliya gashay laga fuliyo Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay magaalada Berbera oo uu maanta safar ku gaadhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here