Hargaysa (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar shaqo oo muddo kooban qaadan doona ugu ambo baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Socdalka Madaxweyna Biixi, ayaa salka ku haya marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay masuuliyiinta dalka Isu-tagga Imaaraadka carabta oo diyaarad khaas ah usoo diray.
Taasoo madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo saaka ka qaadday madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo is-kaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka warbixiyey safarka madaxweynaha iyo ujeeddada uu ku qotomo.
Waxaanu sheegay inuu socdaalkani yahay mid shaqo, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxaanu uu yidhi, “Waxan doonayaa inaan halkan ummadda Somaliland uga baahiyo inuu jiro socdaal uu madaxweynaha Somaliland ugu baxayo dalka Imaaraadka Carabta.
Waana socdaal gaaban oo maalin iyo laba aan dhaafsiisnayn oo uu madaxweynuhu shaqo ugu baxayo, waxana uu socdaalkaasi ku saabsan yahay xidhiidhadii iyo wax wada-qabsigii hore uga dhexeeyey labada dal.
Waxana raacaya xubno xukuumadda kamid ah.” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Faratoon
Socdaalkan uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ugu baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa waxa ku wehelinaya Wasiirrada Wasaaraddaha Arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga Caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Qorshaynta iyo Horumarinta qaranka, Dr. Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin).
Halkan Ka Daawo Muuqaalka Safarka Madaxweyne Biixi:
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.