Madaxweynaha Somaliland oo safar shaqo ugu ambo-baxay Dalka Qatar

0
1589

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa maanta safar shaqo ugu baxay dalka Qatar, kaddib markii uu marti-qaad rasmi ah ka heley Dawladda Dalka Qatar.

Safarka Madaxweynaha Somaliland ee uu ugu baxay dalka Qatar, ayaa waxaa uu qaadan doonaa muddo dhawr cisho ah.

Waa markii ugu horraysay ee Madaxweyne ka socda Jamhuuriyadda Somaliland uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Qatar.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo wefgigiisu waxa ay ku safreen Diyaarad khaas ah.

Madaxweynaha, waxa safarkiisa ku wehelinaya Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Diinta ito Awqaafta, La-Taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha iyo Madaxa Xafiiska Madaxweynaha (Chief of Staff-ka).

Muddada ay Madaxweynaha iyo wefgigiisu ku sugan yihiin magaalada Dooxa, Caasimadda dalka Qatar, waxa ay kulamo la yeelan doonaan Madaxda iyo Mas’uuliyiinta sarsare ee Dawladda Qatar, iyaga oo ka wada hadli doona danaha u dhexeeya labada dhinac; gaar ahaan xagga amniga iyo xasilloonida Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika, iskaashiga iyo wax wada qabsiga, maalgashiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Booqashada uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu ku tagay dalka Qatar waxa ay ka turjumayaa sida ay Madaxweynaha Somaliland uga go’an tahay dardargelinta iyo tayeynta Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo xidhiidhka firfircoon ee ay Somaliland la leedahay Beesha Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here