Madaxweynaha Somaliland Oo Mashaariic Ka Furay Laascaanood + SAWIRRO

0
1189

Laascaanood, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo hogaaminaaya wefti balaadhan ayaa safar taariikhi ah oo ku soo beegmaya 27/07/2015 ahna maalintii madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo loo dhaariyey madaxweynaha qaranka Somaliland oo ay hada ka soo wareegtay shan sanno shacbiga gobolada dalkuna ay ka markhaati kacayaan in shantaa sano xukuumadna loo aqoonsaday layskuna raacay shan sano oo waxqabad ah iyo  madaxweynihii horumarka amaana ay ku heshay xukuumadada uu gadhwadeenka u yahay.

Laascaanood 6

Madaxweynaha oo markii uu gaadhay gobolka sool gaar ahaan caasimadiisa laascaanood wuxuu dhagax dhigay mashaariicdii ugu balaadhnayd ee abid laga hirgeliyo gudaha laascaanood kuwaas oo kala ah dhaam biyood iyo ceel la filaayo in magaalada laascaanood ay ka cabaan dadweynaha iyo xooluhuba biyo macaan, ka dibna waxa uu madaxweynuhu dhagax dhigay wadooyin muhiima oo isaga gudbi doona hadii alle qadaro gudaha magaalada, sidoo kalena waxa uu dhagax dhigay saldhiga dhexe ee booliska laascaanood isla markaasina waxa uu madaxweynuhu kormeeray wadooyin hor leh oo 4km ah hawshii daanburkuna ay socotay isla maantana lagu wado inay dhamaystiranto oo la dhubo.

Laascaanood 12

ka dib waxa uu madaxweynuhu socof lug ah ku maray wadooyinka oo si weyn loogu soo dhaweeyey madaxweynaha iyadoo loo gelbiyey dhinaca hotel Xamdi oo madaxweynuhu kula kulmay shacbigii soo dhaweeyey oo u badnaa madax dhaqameedka uu caanka ku yahay gobolku, iyo dhalin yaro, haween, waxgarad iyo waayeel, iyadoo madaxweynuhu halkaasi kula hadlay shacbigaasi, iyaguna ay u soo jeediyeen wixii ay talo iyo tusaale ah ee ay xukuumada ku dhiirigelinayeen iyaga oo dhamaantood iska daba maray inay xukuumadu tahay tii gobolkan u dhalatay intii xukuumado soo martay Somaliland.

Laascaanood 34

ka dibna waxa uu madaxweynuhu u sii gudbay dhinaca fadhiisimada ciidamada qaranka Somaliland ee jiidaha hore ku sugan isaga oo madaxweynuhu sanadkan xooga saaray inuu soo kormeero una kuurgalo xaalada saldhigyo dhawra oo aanu safaradii kala danbeeyey ku soo marin balse uu maanta dul istaagay ciidamana uu madaxeweynuhu u jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa kuna hambalyeeyey dedaalka iyo dhabar adayga ay qarankooda la barbar joogaan habeen iyo maalinba, safarkan madaxweynaha ayaa noqonaaya kii saddexaad intii uu talada dalka yahay uu ku soo kormeero ciidamada jiida hore oo iyagu nasiib u yeeshay inay mar walba farxad ku qaabilaan madaxweynahoodii oo dhex jooga ciidamada dhiirigelinaayana.

Laascaanood 24

 

ugu danbayna waxa weftiga madaxweynuhu u soo kicitimeen dhinaca gobolada Saraar iyo togdheer oo inta u dhaxaysa sool ilaa burco si weyn loogu soo dhaweeyey.

Laascaanood 56

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here