Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay ururrada bulshada rayidka

0
1510

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabiley madaxda Ururrada bulshada Rayidka ah ee Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland iyo Ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland, ayaa kulankoodan kaga wadahadlay sidii loog midoobi lahaa meelna looga soo wada jeedsan lahaa arrimaha doorashooyinka iyo ilaalinta amniga qaranka inta lagu jiro wakhtiga doorashada oo ah mid xasaasi ah, loona baahan yahay feejignaan dheeraad ah, si loo taabo-geliyo doorosho xor iyo xaal ah oo ku qabsoonta nabad-gelyo iyo xasilooni.

Kulankan madaxweynaha waxa ku wehelinayay guddoomiyaha golaha Guurtida Somalialnd Saleebaan Maxamuud Aadan, iyo xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada.

Doorashada isku sidkan ee ururrada iyo madaxtooyada ayay ka hadhsan yihiin maalmo kooban, iyada oo la filayo inay dalka ka qabsoonto 13-ka Novermber sida uu mudeeyay Guddida Doorashooyinka qaranku madaxweynuhuna wareegtada ku soo saaray.

Guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka waxa ka socda ololaha doorashooyinka, waxaanu ururkasta iyo xisbi walba ku soo bandhigayaa qorshayaashiisa iyo himilada uu doonayo inuu dalka ku hoggaamiyo haddii uu soo baxo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here