Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo uu weheliyo Guddoomiyaha Guddida Nabadda Qaranka, ayaa maanta kulan la qaatay Guddida sare iyo Agaasimaha Fulinta ee Akaadamiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland, waxa uu soo dhaweeyey la kulanka Guddida sare iyo Agaasimaha Fulinta ee Akaademiga Nabadda iyo Horumarka, waxana uu sheegay in ay door muhiim ah oo soo jireen ah ku leeyihiin dhismaha Qaranka JSL, gaar ahaan xagga Nabadda, Horumarka iyo geedi-socodka hannaanka Dimuqraadiyadda.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxaa uu sheegay in Akaadeemigu uu leeyahay magac iyo sumcad wacan oo ay ku kasbadeen aqoonta, waayo-aragnimada iyo cilmi-baadhista kala duwan ee ay samaysay Akaademiga, taasoo ah hanti iyo kayd Qaran oo dhaxal-gal ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Akaademiga u xaqiijiyey in Xukuumaddiisu ay si buuxda ula shaqayn doonto Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland.
Iyaguna dhinacooda, Guddida Sare iyo Agaasimaha Fulinta ee Akaademiga Nabadda iyo Horumarka, ayaa waxaa ay Madaxweynaha uga mahad naqeen kulanka qiimaha badan ee uu la qaatay.
Guddida Sare ee Akaademiga Nabadda iyo Horumarku waxa ay rajo weyn ka muujiyeen sii amba-qaadka wada shaqeyn midho dhal ah oo ku saleysan danaha guud ee Qaranka Somaliland.
Kulankan oo ay ujaddadiisu ahayd xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Xukuumadda cusub ee Somaliland iyo Akaademiga, gaar ahaan dhinacyada la xidhiidha Nabadda, Xasiloonida, Dib-u-heshiisiinta, Geeddi-socodka Dimuqraadiyadda iyo Dawlad-wanaagga.
Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu Guddida sare iyo Agaasimaha Fulinta ee Akaademiga ku boorriyey in ay dib u soo celiyaan qiimihii iyo doorkii soo jireenka ahaa ee ay ku lahaayeen dalka.