Madaxweynaha Somaliland oo ka qayb galay qalin-jebinta Jaamacadda Camuud

0
1248

Boorama (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama, ayaa maanta ka qaybgalay xafladda qalinjebinta dufcadii 23aad ee Jaamacadda Camuud oo ay ka baxeen Arday tiradoodu dhan tahay 1,240.

Munaasibad ballaadhan oo loogu dabaal degayey ardayga ka baxday Jaamacadda ugu da’ada weyn dalka Somaliland ee Camuud,  oo la unkay hiladii sannadkii 1997-kii, kuwaas oo ka aflaxay islamarkaana qaatay shahaadooyinka  heerka kowaad iyo labaad.

Madaxwaynaha Somaliland oo kala qaybgalay Ardayda farxada qalinjebinta ayey ku wehelinayeen xubno ka mida waftigii uu hoggaaminayey, maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Awdal, waalidiinta ay ubadkoodu ka qalinjebinayeen Jaamacada Camuud iyo marti sharaf lagu maamusay munaasibada.

Waxa ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Dr. Maxamed Muuse Jibriil oo ka waramay sooyaalka taariikheed ee Jaamacada Camuud iyo ardayda qalinjabisay, sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Xaaji Axmed Miisaan oo ka mid ahaa aas-aasayaashii Jaamcada Camuud ahna gudoomiyaha boodhka Jaamacadda iyo Suldaan Abdiwahab Cige Axmed oo isaguna ku hadlay magaca Ardayda maanta qalinjebisay isagoo ka mahad sheegtay Jaamacadda iyo Macalimiintii wax soo bartay.

Sidoo kale, waxa xafladda ka hadlay Gudoomiyaha Guddida Waxbarashada qaranka Prof Saleebaan Axmed Guuleed, Prof. Axmed Ismaacil Samatar, iyo Gudoomiyahay taclinta sare Prof. Saleebaan Dirir Cabdi oo dhammaantood isaka daba maray qiimaha ay leedahay in la tayeeyo Waxbarashada, iyagoo ardayda kula dardaarmay inay sii wadaan Waxbarashada iyo ku camalfalkeeda.

Dhinaca kale, waxa halkaasi ka hadlay oo hambalyo u diray Ardayda Wasiirka Ganacsiga iyo Wershedaha ahna musharaxa Madaxwayne ku xigeenka xisbiga Kulmiye Maxamuud Xasan Sacad Saajin iyo Wasiirka Waxbarashada iyo sayniska Dr Axmed Aadan Buuxane ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo tayada waxbarashada dalka.

Ugu danbayntiina waxa munaasibada soo Afmeeray Madaxwaynaha qaranka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambalyo iyo duco u diray waxaanu ardayda uga waramay sooyaalkiisii Waxbarasho ee uu ku soo qaatay Jaamacada Camuud, waxaanu Madaxweynuhu shahaadooyinkii gudoonsiiyey ardayda ugu saraysay kulliyadaha kaal duwan ee Jaamacada Camuud.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here