Madaxweynaha Somaliland Oo Farriin Gaar Ah U Diray Ardayda Jaamacadaha Ee Ka Hawl-galaya Doorashada Madaxtooyada JSL

0
1101

Hargeysa, (HargeisaPress) —  Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Ardayda Jaamacadaha Dalka oo Qayb ka mid ahi yihiin Hawl-wadeennada Komiishanka Doorashooyinka kala shaqeynaya Qabashada Doorashada, gaar ahaan Goobaha Cod-bixinta u soo jeediyey inay si wanaagsan oo Xil-kasnimo ah u gutaan Waajibaadkooda Shaqo.

Madaxweynaha oo Maanta Khudbad ka jeediyey Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyay 1,125 Arday oo ka qalin-jabiyey Jaamacadda Hargeysa, ayaa Ardayda Jaamacadaha guud, gaar ahaan inta ka qayb-galaya hawlaha Komiishanka ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland ka dhacaysa 1-ka bisha November, 2017-ka u soo jeediyey dardaaran ah inay si xil-kasnimo ah oo Sharciga waafaqsan Waajibaadkooda u gutaan.

Madaxweynaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Idam EEBBE, dalka dhawaan waxaa ka dhici doonta dorashadii Madaxtooyada, ardayda jaamacaduhuna waxay ka mid yihiin halbawla-yaasha gacan siiya Guddida Doorashooyinka, sidaa darteed, waxaan idinkula dardaarmayaa in aad xilka u gudataan si sharciga waafaqsan oo xilkasnimo iyo xaqsoor ku jiro, Alleheen Baa Mahad Leh.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here