Madaxweynaha Somaliland oo arrimo xaasaasiya kala hadlay Xildhibaanada Golaha Wakiillada

0
1428

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi  oo uu wehelinayo Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada kulan hadhimo sharafeed ah ku maamusay Shir-Guddoonka iyo Xildhibanada Golaha Wakiillada.

Kulanka hadhimo sharafeedka, ayaa waxaa sidoo kale iyaguna ka soo qayb galay xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ugu horayn shirguddoonka golaha Wakiillada iyo dhammaanba mudaneyaasha gole-weynaha uga mahadnaqayaa inay soo ajiibeen hadhimo sharafeedka uu ku maamuusay.

Waxaanu yidhi, “Waxa aan shirguddoonka golaha Wakiillada iyo dhammaanba mudaneyaasha gole-weynaha uga mahadnaqayaa inay soo ajiibeen hadhimo sharafeedkan aannu maanta u samaynay. Anigu xildhibaan hore ayaan ahaan jirey, hawsha Golahana waan garanayaa oo 12 sannadood ayaan ahaa Xildhidhibaan iyo Guddoomiye.”

Madaxweynaha, ayaa waxaa uu sheegay in ka Xukuumad ahaan iyo ka Madaxweyne ahaanba diyaar u yihiin in gole weynaha iyo Shirguddoonkaba la shaqeeyaan oo ay ku ixtiraamayaan waajibaadka uu dastuurku siiyey, doorka ay qaranka ku leeyihiin iyo halka ay talada qaranka kaga jiraanba.

“Waxa aannu Xukuumad ahaan iyo ka Madaxweyne ahaanba idiin xaqiijinayaa in aanu diyaar u nahay in aanu Gole weynaha iyo Shirguddoonkaba la shaqaynno oo aanu ku ixtiraamno waajibaadka uu Dastuurku siiyey, doorka ay Qaranka ku leeyihiin iyo halka ay talada Qaranka kaga jiraanba.” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa ayaa yidhi, “Xildhibaannanada dhammaantood Xisbi kasta oo ay ka tirsan yihiinba, iyada oo maanta saddexdii Xisbi Qaran ee Tobanka sanno ee soo socda oo aan hambalyeynayaana inoo soo baxeen, saddexda Xisbina waan hambalyeynayaa.”

Waxaa uu sidoo kale Madaxweynuhu xusay in goleyaasha dhammaantood ama Baarlmaanka Somaliland, ay Xukuumad ahaan la shaqaynayaan, oo ay soo dhaweynayaan, mucaarid iyo muxaafidba.

“Goleyaasha dhammaantood ama Baarlmaanka Somaliland, Xukuumad ahaan waannu la shaqaynaynaa, waana soo dhaweynaynaa, mucaarid iyo muxaafidba. Anigu berigii hore ee aan Baarlamaanka bilaabayna mucaarid baan ahaa, immikana muxaafid baan ahay, laakiin labadaba waan la shaqaynayaa haddii Eebbe idmo. Dhammaanba Xildhibaannada albaabkayagu wuu u furan yahay annaga oo aan u kala eegayn Mucaarid iyo Muxaafid, waan u mahadnaqaynaa Gole-weynaha, Qarankana hawl iyo waajibaad Dastuurku idin faray baad u haysaan, intii aad qabateenna waad ku mahadsan tihiin, inta aad qaban doontaanna Insha Allaahu hareerahaannu idin la qaban doonnaa. Wakhti intan ka badan baannu idinka oo Xildhibaanno ah iyo idinka oo Shirguddoon ah, diyaar baanu u nahay in aynu kulanno oo arrimaha Qaranka ka wada hadalno. Maanta waxa inalla fadhiya xubnihii xukuumadda cusub oo insha allah soo dhammaysan doona wixii xeerarku ku waajibayeen ee Documents ahaa, waana idiin soo gudbin doonaa, idinkuna waajibkiina sharci aad ka gudan doontaa sida ugu dhakhsaha badan, si ay iyaguna u fuliyaan shaqadii qaranka ee loo igmaday. Xukuumadda cusubna waxa aan dhammaantood farayaa in ay si buuxda ula shaqeeyaan Golaha Wakiillada.” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here