Madaxweynaha Somaliland: “Masar ma aqoonsana madax-banaanidayada, Mudnaanta koowaadna waxaa leh Itoobiya”

0
2774
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Telefishanka Al-Carabiya ee laga leeyahay Khaliijka Carabta, ayaa ka hadlay arrimo xaasaasi ah oo ku aadan xidhitaanka Maktabadda Masar, heshiiska Somaliland iyo Itoobiya iyo doorashooyinka.

Madaxweynaha Somaliland oo ugu horeyn ka hadlay heshiiska Itoobiya, ayaa shaaciyay in ay Somaliland iyo Itoobiya ka go’an tahay meelmarinta heshiiskii isfaham ee labada dhinac isku waafajiyeen masaalixdooda kala duwan.

Waxaanu madaxweynuhu caddeeyay in heshiiskaasi fuli doono, balse aanu xusayn taariikhda la hirgelin doono.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa uu caddeeyay in Somaliland ay heli doonto aqoonsi caalami ah muddadu ha dheeraato ama ha dhowaatee.

Waxaa uu xusay in heshiiskaasi uu yahay mid faa’iido dhaqaale u soo kordhinaya Geeska Afrika, isla-markaana uu dhigayo in Itoobiya aqoonsato madaxbannanida Somaliland, iyagana laga kireeyo saldhig milateri oo badda ah.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu intaas ku daray in heshiiskaasi yahay masaalix wadaag.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in bulshada Somaliland iyo siyaasiyiintooduba ay taageersan yihiin heshiiska dhexmaray dalkooda iyo Itoobiya oo ay u arkaan inuu la xidhiidho mustsqabalka Somaliland.

Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya ay ahaayeen laba dal oo midoobay sannadkii 1960 isla-markaana uu burburay midowgaasi, markii uu 31 sanno jiray oo ay dhaceen dagaalo dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya.

Wuxuu kale oo uu ka warramay in waxgaradka Somaliland oo dhammi ay iskugu yimaadeen shir aayo ka tashi sannadkii 1991kii oo ay dib ula soo noqdeen madaxbannaanidii Somaliland. Waxaanu sheegay in Somaliland lagu dhisay rabitaanka shacbiga oo ku adag xornimadooda.

Gessta kale, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay haysato aqoonsiga dalalka jaamacada Carabta oo uu carabka ku dhuftay in aanay waxba weydiinin Somaliland, hase ahaatee ay ka hadlaan warbaahinta iyagoo leh “Somaliland lama aqoonsana.”

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu carabka ku dhuftay inay Somaliland 30 ilaa 40kii sanno ee la soo dhaafay u halgamaysay  xornimadeeda, waxaanu xaqiijiyay in xeebta Somaliland ay ka caagan tahay budhcad baddeed iyo argagixiso, halka Soomaaliya ay ka jiraan Al-shabaab iyo Daacish.

Madaxweynuhu wuxuu ballan-qaaday in Somaliland ay la dagaalami doonto, haddii Soomaaliya soo weerarto.

Madaxweyne Biixi wuxuu Telefishanka Al Carabiya u sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya aanay dib isugu noqon doonin oo mid waliba qaaday waddadiisa.

Mar la weydiiyay sababta ay Somaliland u xidhay Maktabadii Masaarida, wuxuu sheegay in Madaxweynaha Masar uu ku andacoodo in uu soo celinayo wax uu ugu yeedhay “midnimada Soomaaliya” taasi oo uu sheegay in Cabdifataax Siisi la weydiiyo halka uu ku arkay Soomaalida middaysan.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in xilligan la joogo wakhtigii doorashooyinka laga qaban lahaa dalka, maadaama oo shantii sanno ee la doortay isaga ay dhammaadeen oo muddo laba sannadood ah ay muddo dhaaftay doorashada madaxtinimadu.

Waxaanu rejo ka muujiyay in doorashooyinka muddaysan 13ka November 2024 ay ku qabsoomi doonaan si nabadgelyo ah oo dadweynuhu wax ku dooran doonaan rabitaankooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here