Madaxweynaha Jabuuti oo weerar ku qaaday Imaaraadka, kana digay hal arrin

0
1396

Djibouti (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa weerar culus ku qaaday dowladda Imaaraadka Carabta, isaga oo ku eedeeyay inay u adeegsanayso maalgelinteeda balaayiinta doollar ah ee Afrika si ay ugu daboolato qorsheyaasheeda ballaadhinta awoodda millateri.

Wareysi uu dhawaan siiyay idaacadda Radio France International ayuu Madaxweyne Geelle ku sheegay in maalgashiga Imaaraadka ee Afrika, oo gaadhaya $110 bilyan, uu yahay qorshe istaraatiiji ah oo lagu fidinayo awoodda milateri, balse loo ekeysiinayo mashaariic horumarineed oo dhaqaale.

“Imaaraadku waa mid si weyn u wiiqaya xasilloonida gobolka,” ayuu yidhi Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Hadalka Madaxweynaha Jabuuti, ayaa muujinaya walaaca sii kordhaya ee ka jira qaar kamid ah wadamada Afrika, kuwaas oo ka shakisan ujeedada dhabta ah ee maalgashiga shisheeye, gaar ahaan kan lagu sameynayo kaabayaasha muhiimka ah sida dekedaha, saadka iyo isgaadhsiinta.

“Maalgelintan maaha mashruucyo dhaqaale oo keliya,” ayuu yidhi Madaxweyne Geelle, isagoo raaciyay, “Waxaa si toos ah ugu xidhan ujeedooyin millateri oo khatar gelin kara madax-bannaanida iyo xasilloonida wadamada Afrika.”

Geelle, wuxuu sheegay in Jabuuti ay hore u diidday codsi uga yimid Imaaraadka oo ku saabsanaa in saldhig millateri laga sameeyo gudaha Jabuuti.

Wuxuu sheegay in Imaaraadku kadib diidmadaasi ay dadaalkooda u weeciyeen wadamada deriska ah, iyagoo raadinaya meelo muhiim ah oo istiraatiiji ah oo ku yaalla marinada muhiimka ah ee badda.

Jabuuti, oo ku taalla marinka laga soo galo Badda Cas, ayaa martigelisa saldhigyo milateri oo ay leeyihiin dalal badan sida Mareykanka, Faransiiska, Shiinaha iyo Japan.

Madaxweyne Geelle, ayaa muddo dheer siyaasaddiisa ku dhisay isku dheellitirka xidhiidhka millateri ee wadamada shisheeye, waxaana hadalladiisa laga dheehan karaa walaaca sii kordhaya ee ku saabsan tartanka gobolka.

“Isku milanka maalgashiga dhaqaale iyo ujeedooyinka millateri ee wadamada shisheeye waa khatar weyn oo ku soo wajahan nabadda gobolka,” ayuu ka digay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

“Waxaan u baahan nahay inaan si taxadar leh u wajahnno iskaashiga noocan ah, si aan loo dhaawicin madax-bannaanideenna.”

Dowladda Imaaraadka Carabta, ayaan weli ka jawaabin eedeymaha Madaxweynaha Jabuuti. mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta, ayaa hore u sheegay in maalgashiyadooda Afrika ay ujeedadoodu tahay taageeridda kobaca dhaqaalaha iyo xoojinta amniga gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here