Madaxwaynaha Somaliland Oo Maanta Ka Qayb Galay Aas Magaalada Hargeysa Loogu Sameeyey Xildhibaan Sheekh Khaliif Sheekh Xasan + SAWIRRO

0
951

HARGEISA , (HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay aas qaran oo loo sameeyey Alle ha naxariistee Marxuum Xildhibaan Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal oo ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland.

9f1fb426-f7ef-44c4-b936-033e27080434

 

Aaska Marxuumka ayaa ahaa mid heer qaran ah oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan masuuliyiinta Asxaabta qaranka, Golayaasha Qaranka iyo Bulshada Qaybeheeda kala Duwani

80b3e89c-8fd8-4b1e-b3ab-b68aaa68d221

Madaxweynaha Somaliland, Shirguddoonka labada Golle baarlamaan  iyo hogaamiyeyaasha Asxaabta Qaranka, ayaa dhambaalo tacsi u diray ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, iyagoo shacbiga guud ahaana ka tacsiyadeeyey.

390a0fd1-6d0e-406f-861a-972fb5800747

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ahna murrashaxa Madaxweyne ee Xisbigaas oo kamid ahaa dadka aqoonta u leh marxuumka ayaa ka waramay doorkii uu marxuumku ku lahaa dib u dhiska iyo nabadeynta dalka.

072a0834-f2ef-466f-8cae-2c4345338957

22470ce1-8653-40f8-9026-fec321230837

c47cee27-dd4a-434b-a3c7-ce92458c1aa3

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here