Madaxtooyadda Somaliland Oo Ka Hadashay Arrinta Ganacsade Axmed Cismaan Geelle

0
902

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Madaxtooyadda Somaliland ayaa ka hadashay arrin maalmahan si weyn loo hadal hayay oo la xidhiidhay in dawladda Jabuuti ay Somaliland ka codsatay in loo soo gacan geliyo ganacsade Axmed Cismaan Geelle, oo ay ku eedaynayaan in uu lacag ka soo dhacay.

Af-hayeenka madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, oo maanta warbaahinta kula hadlay madaxtooyadda ayaa sheegay in Axmed Cismaan Geelle, uu ka qaadatay Baanka Faransiiska ah ee BCI Mer Rouge, oo qayb ka ah Baanka kale ee Faransiiska ah ee BRED.

Lacagtaas waxay shirkadda GSK ku qaadatay maalgelinta Warshadda Coca-Cola oo laga dhisay Dalka Somaliland.isagoo xusay in 12-kii bishii March ee 2018-kii uu Somaliland  yimid agaasime Ku-xigeenka Baanka weyn ee Faransiiska ah ee BRED.

Iyadoo arrintaasi uu madaxweynaha  Somaliland u saaray  guddi ka kooban Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire, Guddoomiyihii hore ee Baanka Dhexe ee Somaliland Maxamed Cabdi Ibraahin iyo Taliyaha Booliiska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan.

Baankaa Faransiisku waxa uu codsaday in lacagta deynta ah Shirkadda GSK u bixiso sida uu dhigayo heshiiskii deynta oo ah in hafto lagu bixiyo.

Halkan Ka Daawo Shirka Jaraa’id Ee Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here