Hargeysa , (HargeisaPress) — Madaxtooyada Somaliland ayaa ka hadashay safarka madaxwayne Siilaanyo ku joogo dalka Imaaraadka Carabta,waxaana ay ka hadashay halka uu madaxwayne Siilaanyo ku ciidi doono maalinka Ciidal Fidriga.
Sidoo kalena madaxtooyadu waxay ka hadashay warar lagu canaanto madaxwayne Siilaanyo oo sheegaya in aanu madaxwayne Siilaanyo dalka ka tagan oo uu taladii dalku gacanta ugu jirto koox gaar ah.
Arrinkan ayaa waxa ka hadlay afhayeenka madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige “Dayr”.