Madaxda xisbiga Kulmiye iyo Goobjoogayaasha caalamiga ah oo kulmay

0
1228

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxda xisbi xaakimka talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa waxaa ay maanta kulan la qaateen xubno ka mid ah goobjoogayaasha caalamiga ah ee dalka ku sugan.

Kulankan dhexmaray madaxda xisbiga Kulmiye iyo xubnaha goobjoogayaasha caalamiga ah, ayaa ka dhacay xarunta guud ee xisbiga Kulmiye ee magaalada Hargeysa.

Waxaa kulanka madaxda xisbiga Kulmiye uga qayb galay, Xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye oo ay weheliyaan masuuliyiin xisbiga ka tirsan oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Xidhiidhka Gobollada iyo Degmooyinka Nagiib Maxamed Cismaan iyo Guddoomiyihii hore ee Komkishanka Tamarta Axmed Faarax Caddare.

Kulanka, ayaa waxaa ay labada dhinac iska xog waraysteen arrimaha khuseeya doorashooyinka madaxtinimada iyo Ururrada Siyaasadda ee qabsoomi doona dalka Somaliland.

Masuuliyiinta xisbiga Kulmiye, ayaa xubnaha goobjoogayaasha u caddeeyay in doorashada Somaliland tahay mid xor iyo xalaal ah, isla-markaana xisbiga Kulmiye iyo xukuumaddiisuba ay si buuxda ugu diyaar garoobeen.

Goob-joogayaasha caalamiga ah oo ka kala socda wadamada saxiibka la ah Somaliland, ayaa la socon doona Doorashooyinka Somaliland ee dhacaya 13 bisha November ee sannadkan 2024.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here