Madaxda Jabuuti oo toos u caddaystay cadaawadda Somaliland

0
4321

Djibouti (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo maamulkiisa, ayaa waxaa ay si toos ah u caddaysteen cadaawadda iyo colaadda gaammurtay ee ay u qabaan Jamhuuriyadda Somaliland, kadib markii martiqaad u fidiyey hoggaamiyaha jabhadda la baxday SSC-Khaatumo ee ka dagaallama bariga Gobolka Sool.

Tallaabadan, ayaa waxaa ay si cad u muujinaysaa shirqoollada iyo dabinnada dhagaraysan ee hoggaamiyaha Jabbuuti u maleegayo Somaliland.

Bishan July gudaheeda oo keliya waa markii labaad ee uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku martigeliyo dalkiisa jabhado iyo shaqsiyaad khatar ku ah xasilloonida Jamhuuriyadda Somaliland.

Bulshooyinka Somaliland iyo Jabuuti waa dad walaalo ah oo isku dhiig iyo dhaqan ah, wax caddaawad iyo xumaan ahna u dhexayn. Hase yeeshee, taas beddelkeeda xukuumadda keli-taliska ah ee Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sifowday inay noqoto cadowga koowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Geelle waxa uu 30kii sannadood ee la soo dhaafay juhdi weyn aan kala joogsi lahayn oo uu ku wiiqayo dedaallada siyaasad iyo dhaqaale ee sidii uu Somaliland, isagoo werwer iyo cabsi xooggan ka qaba haddii Jamhuuriyadda Somaliland aqoonsi hesho in taasi siyaasad ahaan iyo dhaqaaleba liicin doonto dalkiisa oo haatan saldhigyo dani-ku-badday u ah quwadaha waaweyn ee adduunka.

HargeisaPress News Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here