Madaxda Hay’adda Caymiska oo Kulan La Yeeshay Madax-dhaqameedka Gabiley

0
627

Gabiley (Hargeisa Press)- Hogaanka sare ee haayada caymiska Somaliland ayaa kulan la yeeshay cuqaasha iyo waxgaradka gobolka Gabiley.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta badhasaabka gobolka waxaa furay badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe.

Waxaana kulankaasi goob joog ka ahaa maayarka Gabiley, iyo sidoo kale inta badan madax dhaqameedka gobolka Gabiley.

Shirkan oo diiradda lagu saarayey in hantiileyaasha gadiidku ay dhab ugu fuliyaan caymis gellinta gadiidkooda si looga gudbo dhibaatooyinka iyo xeer jajabka culaysyada badan leh, loona dabakhi lahaa xeerarka iyo shuruucda cilmiga ku dhisan.

Guddoomiyaha gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo si rasmi ah u furay kulankaasi ayaa kulankaasi ku tilmaamay mid muhiimad iyo miisaan weyn u leh gobolka Gabilay.

Waxaanu yidhi, “Shirkan oo diiradda saarayey in hantiileyaasha gadiidku ay dhab ugu fuliyaan cayimin gellinta gadiidkooda si looga gudbo dhibaatooyinka iyo xeer jajabka culaysyada badan leh loona dabakhi xeerarka iyo shuruucda cilmiga ku dhisan ayaa guul ku soo dhammaaday”.

Waxaa yididdiilo badan i gelisay fahamka Cuqaasha oo culaysyada iyo dhibka ugu badan ee qaddiyaddani ay is wajahaan inay la dhaceen caymin gellinta haykal dowladeedku asteeyey ee daaha-furan”ayuu yidhi badhasaabka Gabiley.

Geesta kale, C/qani Jiidhe, ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ku bogaadiyay fikirkii aasaaska haayada caymiska qaranka.

Waxaanu yidhi, “Madaxweyne Muse Bihi Abdi oo haya’ddan muhiimka u ah haggidda caqabadaha, habsami u socodsiinta horumarka, maalgashiga waddaniga & kuwa shisheeye asaasay ayaan bogaadinayaa”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here