Hargaysa (HP): Waxaa maanta magaaladda Hargaysa laga dhagax dhigay dhismaha xarunta noqon doonta machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose ee Somaliland.
Waxaana munaasibadii dhagax dhiga ka qayb galay maayarradda magaalooyinak Hargaysa, Berbera, Boorama, iyo guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda ee Somaliland.
Sidoo kale waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka socday wasaaradda arrimaha gudaha jamhuuriyadda Somaliland iyo madaxda iyo maamulka xafiiska horumarinta dawladaha hoose ee dalka.
Dhismaha machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose ee dalka ayaa laga maalgelinayaa kharashaad ay bixiyeen dawladaha hoose ee degmooyinka dalka Somaliland.
Machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose ee Somaliland waxaa lagu aasaasay digreeto wasaarad-arrimo gudeed, bishii September sanadkii 2018-kii.
Waxaana loogu tallo galay oo ay u jeedadda koowaad ahayd inuu noqdo machadku haayad dawladeed oo bixisa tababarka shaqaalaha dawladaha hoose ee dalka.
Si kor loogu qaado awoodda maamul ee shaqaalaha dawladaha hoose ee dalka, si loo gaadho, ama ay u fududaato bixinta addeegyadda loo baahan yahay.
Sida uu sheegay Iid Muuse, oo ah agaasimaha xafiiska machadka dawladaha hoose ee Somaliland, oo hadal ka jeediyay munaasibadii dhagax dhiga machadkaasi.
Lacagta lagu dhisayo dhismaha machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose ee dalka waxaa bixiyay dawladaha hoose ee dalka, iyadoo lacagtaasina ay hadda diyaar tahay.
Guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe, oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhagax dhiga machadkaasi ay si mug leh taraalle, tayayn iyo taabo-gelin ba ugu tahay rejada shaqaalaha dawladaha hoose loogu daboolayo baahida ay u qabeen kobcinta aqoontooda iyo in xirfadooda kor loo qaado.
Farxaan Aadan Haybe, ayaa ku amaanay hirgelinta machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose maayarrada magaalooyinka dalka ee xilalka baneeyay iyo kuwa dib loo doortay.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.