Maayarkii Degmada Boorama Oo Xilka Laga Xayuubiyay Iyo Maayar Cusub Oo La Doortay

0
851

Boorama, (HargeisaPress) — Kalfadhi ay maanta  yeesheen golaha degaanka Boorama ayaa xilka lagaga qaaday Maayarkii Boorama Saleebaan Xasan Xaddi, waxaana kalfadhigaasi isku casilay ku xigeenkiisii. Fadhiga ayaa sidoo kale algu doortay guddoomiye cusub iyo ku xigeenkiisa cusub.

Fadhiga golaha degaanka Boorama, waxaa xaadir ahaa 18 xildhibaan, Badhasaabka Awdal iyo sharci yaqaan ka socday wasaaradda daakhiliga Somaliland.

Golaha degaanka ayaa dood ka yeeshay mooshinka xilka lagaga xayuubiyay duqa Boorama, waxaana kadib loo qaaday cod, iyadoo 18-ka mudane ee goobta joogayba u codeeyeen in xilka laga qaado Maayar Saleebaan Xasan Xaddi, waxaana is casilay kuxigeenkiisii.

Intaas kadib ayaa goluhu guda galay doorashada Maayarka cusub, waxaana u tartamay 5 mudane,balse waxa ku guulaystay maayarka Boorama inuu noqdo Xildhibaan Xasan Maydhane oo helay 13 cod oo ka mid ah 18 cod ee la dhiibtay.

Intaas kadib ayaa sidoo kale 5 xildhibaan u tartamen inay noqdaan kuxigeenka Maayarka Boorama,waxaana ku guulaystay Xildhibaan Cumar Illeeye.

Waxaana kulankaasi afmeeray badhasaabka Awdal oo ku dhawaaqay Masuuliyiinta cusub ee degmada Boorama iyo golaha degaanka hogaamin doona.

Masuuliyiinta xilka laga qaaday ayaa golaha degaanka hogaaminayay tan iyo sanadkii 2012-ka oo ahaa markii la doortay goleyaasha degaanka Somaliland.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here