Berbera (HP): Maayarka magaaladda Berbera ayaa dhagax dhigay suuq lagu iibin doona oo u gaar ah Kalluunka oo laga hirgelinayo magaaladda Berbera.
Waxaana la sheegay in ay suuqaasi s gaar ah ugu ganacsan doonaan haweenka ka shaqeeya Kalluunka iyo iibkiisa.
Hirgelinta suuqaasi Kalluunka u gaarka ah waxaa maalgelin doonta haayadda UK AID, ee dalka boqortooyadda Ingiriiska.
Waxaana dhaqaalaha suuqaasi la soo dhex mariyay haayadda trade East Africa, iyadoona suuqaasi ay bixisay isla markaana dadkii lahaa ka iibsatay dawladda hoose ee Berbera.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.