Maareeyaha Madbacada Qaranka Somaliland oo Eedayn Culus U Jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya

0
742

Hargeysa (Hargeisa Press)- Maareeyaha madbacada qaranka Somaliland Maxamuud Raage Ibraahim, ayaa waxaa uu eedaymo culus u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Mareeyaha, ayaa waxaa uu ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya inuu kala qaybin ka dhex wado qurba-joogta Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska.

Sidoo kale, Waxaa kale oo uu Maareeye Maxamuud Raage sheegay in Xasan Sheekh uu dagaal qaawan ku hayo dadka reer Somaliland ee hanka siyaasadeed ka leh dalka Ingiriiska.

Wuxuu sheegay in uu qurba-joogta Soomaaliya ee ku dhaqan Ingiriiska uu ku booriyay in aanay wax cod ah siinin dadka reer Somaliland ee raba inay qayb ka noqdaan siyaasadda dalka Ingiriiska.

Maareeyaha madbacada qaranka Maxamuud Raage, ayaa dhinaca kale sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya markii ay u suurto geli wayday inuu ishortaag ku sameeyo arrimaha la xidhiidha heshiisyada ay gashay Somaliland, uu dagaalkiisa u wareejiyay dalka Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here