Hargeysa, (HargeisaPress) — Mulkiilaha iyo Maamulaha Huteelka SUMMER TIME Mr Siciid Sheekh Cumar Yuusuf, , ayaa Maanta 70 xubnood oo shaqaalaha Huteelka ah tababar ugu soo xidhay Magaalada Hargeysa.
Tababarkan loo soo gabogabeeyay shaqaalaha Huteelka SUMMER TIME, oo muddo laba maalmood ah ka socday isla huteelka Summer, ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii shaqaalaha kala duwan ee Huteelka ka hawlgala loo dhisi lahaa aqoontooda isla-markaana la tusi lahaa hababka ugu fiican ee loogu adeego macaamiisha Huteelku leeyahay.