Tog-Wajaale (Hargeisa Press)- Maamulka degmo ganacsiyeedka Tog-Wajaale ee gobolka Gabiley, ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay Allaabooyin kala duwan oo dhacay ama dhaafay wakhtigii la isticmaali lahaa.
Waxaanay allaabooyinkaasi la gubay isugu jireen Cuntooyin, Sharaabka la cabo oo kala duwan, iyo Daawooyin, kuwaasoo dhamaantoodba ahaa waxyaabo dhacay.
Allaabooyibkaasi dhacay waxaa maanta si wada jir ah u gubay guddoomiyaha degmadda Tog-Wajaale C/raxmaan Yuusuf Maxamed, waaxda fayo-dhawrka ee dawladda hoose ee Wajaale, oo ay wehelinayeen taliyaha booliska degmadda Wajaale.
Guddoomiyaha degmadda Tog-Wajaale C/raxmaan Yuusuf Maxamed, oo allaabooyinkaasi dhacay ee ay gubeen ka warbixinayayna ayaa sheegay in waxyaabahaasi dhacay ay ka soo ururiyeen meheradaha ganacsiga ee magaaladda.
Waxaanu C/raxmaan Yuusuf Maxamed, guddoomiyaha degmadda Tog-Wajaale farray ganacsatadda in ay iyagu soo gudbiyaan waxyaabaha dhacay ee ay hayaan, taasoo haddii ay bulshadu isticmaasho halis gelin karra caafimaadka dadka.
Geesta kale, allaabta dhacday ee ay gubeen maamulka degmadda Tog-Wajaale, ayaa isugu jirtay Kirriimyadda la marsado, sharraab, iyo daawooyin,iyo qayb ah noocyo loo isticmaallo in wax lagu daaweeyo, Cadarro, wax la cunno, oo Qasaac ah, iyo waxyaabo kaloo fara badan.
Taasoo shaqaalaha waaxda fayo-dhawrka ee dawladda hoose ee Wajaale, ay ka soo ururiyeen qaybaha kala duwan ee ganacsatadda magaaladda dhamaanba wixii allaabooyin dhacay ahaa.
Waxyaabahaasi dhacay ee la gubay oo muddo lagu ururinayay xarunta dawladda hoose ee degmadda Tog-Wajaale, iyadoo kadibna ay maanta meel fagaaer ah ugu gubeen, Sida uu sheegay xoghayaha dawladda hoose ee degmadda Wajaale, C/laahi Xasan Samaale, oo ka warbixinayay allaabooyinkaasi dhacay ee ay gubeen.