Bali-gubadle: Dhul Daaqsimeed Seereyaal Laga Samaystay Oo La Baabiiyay

0
590

Bali-gubadle (Hargeisa Press): Maamulka gobolka Hawd ayaa maanta ka tirsan gobolkaasi ka fuliyay hawl-gal lagu  baabiinayay dhul daaqsimeed ay dad gaar ahi si sharci darro ah u Ooteen.

Hawl-galkaasi oo saaka laga fuliyay banka loo yaqaano deegaanka Gunburraha waxaa hogaaminayay guddoomiyaha gobolka Hawd Axmed Cige Maxamed.

Isagoo ay wehelinayeen isku-duwaha wasaaradda deegaanka u jooga gobolka Hawd iyo taliyaha qaybta booliska ee gobolka Hawd iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladda.

Deegaanka banka Gunburraha ayay hore wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland uga mamnuucday in beerro laga dhigto, sanadkii 2014-kii.

Xiligaasi oo wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland ay ku kala xadaysay dhul daaqsimeedka iyo dhulka ay dadku beerraha ka dhigan karaan, hase yeeshee qaybo badan oo banka Gunburaha ka tirsan ayay dad iska ooteen.

Taasoo keentay in dadkii xoolo dhaqatadda ahaa ay waayeen meello ay xooluhu u daaqaan, maadaama oo lagu jirro xili jiilaal ah, isla markaana uu dhulku xaalufay  xooluhuna ay u baahan yihiin helitaanka Caws.

Badhasaabka gobolka Hawd Axmed Cige Maxamed, ayaa sheegay in iyagoo fulinaya go’aanka wasaaradda deegaanku ku mamnuucday in la ooto dhul daaqsimeedka iyo go’aankii uu dhawaan madaxweynaha Somaliland soo saaray in ay hawl-galkaasi fuliyeen.

Isagoo ka  warbixiyay u jeedadda hawl-galkaasi iyo dhulka ay baabiiyeen ee ay dadku ooteen, waxa uu yidhi, “Wuxuu daarranaa soo bixitaankayaga saaka, dhulkii xoolaha laga Ootay ee sanadkii 2014-kii ay wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Shukri Baandare, ay baabiisay, ee ay afartanka maalmood u joogtay halkan, oo dadkii ku soo wada noqdeen.

Wakhtiga aynu ku jirnaa, sida aad u wadda og tihiin waa Jiilaal, xoolihii baanu aragnay oo ku dul meehanaabaya dhulkii laga xidhay. Sidaa darteed, anagoo fulinayna go’aanka wasaaradda deegaanka iyo go’aankii maalintii dhawayd uu ku dhawaaqay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ee ahaa dhul daaqsimeedka la iska oodanayo in aan la ogolayn, ee tallaabo laga qaado, ayanau ku soo baxnay” ayuu yidhi Axmed Cige.

Badhasaabka ayaa wasiirka wasaaraadda deegaanka Somaliland uga mahad celiyay hawshii baabiinta dhul daaqsimeedka la ooteen ee ay hore uga fulisay banka Gunburuaha.

Waxaanu yidhi, “Waxaan u mahad celinayaa wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland, oo uu ugu horeeyo wasiirka Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo runtii hawl weyn halkan hore uga qabatay, iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi”.

Axmed Cige Yare, waxa kaloo uu sheegay in maanta ay baabiiyeen dhul qiyaastii gaadhaya dhawr Kiilloo Mitir, balse uu weli hadhsan yahay dhul kale oo aad u balaadhan oo ay ooteen dad gaar ahi.

Waxaanu dadkaasi faray in dhulkaasi ay ooteen ay baabiiyaan haddii ay kale ay maamul ahaan tallaabo ka qaadi doonaan.  “Maanta dhawr Kiilloo mitir ayaanu baabiinay, laakiin, waxaad ogaataan in aanay intaa ku ekayne, in badan oo kale ay oodan tahay.

Fariinta aan dadka halkan uga dirayaa waxay tahay, in ay Gacmahoodda ku baabiiyaan, haddii kale ganaax iyo xadhig ayay ku mutaysan doonaan.

Caqli ma aha in xoolihiina ay halkaa ku Dabran yihiin, oo meel ay wax ka cunaan aanay haysan, nin-na intaas oo Kiilloo Mitir inuu ooto” ayuu yidhi badhasaabka gobolka Hawd.

Geesta kale, banka deegaanka Gunburaha ayay wasaaradda deegaanku kala xadaysay dhul beereedka iyo dhul daaqsimeedka sanadkii 201-kii, laakiin waxaa dhacday in  hadda ay dib u ooteen dhul daaqsimeedkii dadka deegaankaasi.

Sida uu sheegaya isku-duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Hawd Xasan Xaaji Cali Xuseen, “Wakhtigii sanadkii 2014-kii ayaa wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland  ay ka baabiisay beerrahan banka u soo baxay ee dhul daaqsimeedka ah, oo ay dib u wada celisay, kana dhigtay kuwo xadaysan oo aan dhul daaqsimeedka ku soo xad-gudbi Karin” ayuu yidhi Xasan Xaaji Cali.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waxaa dhacday in beerrihii ay dib u soo wada noqdeen. Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi oo mar walba nagu garab taagan sidii aanu uga shaqayn lahayn arrimaha ilaalinta deegaanka”.

Isku-duwaha ayaa digniin u diray dadka ku hawlan oodashadda dhulkaasi kuwaasoo uu tilmaamay in  dhulkaasi  ay ooteen aanay waxba ka beeranaynin, balse ay xoolaha uun ka ooteen, isla markaana ka dhigtay seereyaal.

“Waxaan halkan digniin uga dirayaa dadka ku hawlan dhulka aan ahayn, dhul-beereedka, ee dhul daaqsimeedka  ah, oo doonaya in ay seerreyaal ka dhigtaan waxna aanay kala soo bixin” ayuu yidhi isku-duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Hawd.

Dhinaca  kale, taliyaha hawl-gelinta gobolka Hawd Axmed Cali Qodax, ooh awl-galkaasi maanta ku whelinayay badhasaabka iyo masuuliyiinta kale ayaa wacad ku maray in tallaabo laga qaadi doono cid kastoo ku hawlan in ay beerro ka dhigato dhul daaqsimeedka banka Gunburaha.

Waxaanu yidhi, “Waxaanu hawl-gal ku soo qaadnay dhulkii seerraha ahaa, ee ay dadku sida sharci darrada ah u Ooteen, ee ay Daaqii xoolaha kaga xidheen.

Hawshaasi waanu wadaynaa ilaa intii wasiirka deegaanku ay xadaysay, kama joojinayno. Cidii ka hor timaadana tallaabo sharciga waafaqsan ayaanu ka qaadi doonaa”.

“Dadka imika dhulkii dib u wadda Ootay, ee moodaya in dawladu ay sidii ku tagtay, waxaan leenahay waataa maanta dawladii idinka baabiisay.

Dib haddii aad ugu noqotaana, Taqsiir (ganaax) iyo xadhig ayaa la idiinku dirayaa” sidaasi waxaa yidhi mid ka mida odayaasha gobolka Hawd oo badhasaabka ku wehelinayay hawl-galkaasi maanta.

Bur-burinta dhul daaqsimeedkaasi ayay masuuliyiinta gobolka Hawd u adeegsadeen Cagaf-cagafyo, iyadoo ay gubeen Oodihii ay dhulkaasi ku xidheen dadkaasi.

Iyadoo ay qayb ka ahaayeen baabiinta dhulkaasi la ootay ciidamadda booliska oo gacantoodda ku bur-buriyay oodaasi.

Deegaankaasi ayaa ah mid ay ku nool yihiin dad xoolo dhaqato ah, kuwaasoo dhibaato ku qaba seereyaasha sharci darradda ah ee ay dadka gaarka  ahi ku ooteen banka Gunburaha.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here