Saameyn Weyn oo Ka Dhalatay Dagaalka Xuduudda Ee Itoobiya iyo Suudaan

0
911

Khartoum (Hargeisa Press) — Qoxootiga reer Itoobiya ee ku sugan magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ayaa sheegay in tani iyo markii ay billowdeen dagaallada dhanka xadka ee u dhaxeeya Suudaan iyo Itoobiya loo diiday in ay lacagahooda ay raashiin iyo shidaalba ku iibsadaan.

Qaar ka mid ah qoxootigaasi ayaa sheegaya in iyaga oo haysta sharciga qoxootinimada ee ay bixiso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qoxootiga ee UNHCR, ay booliska dalka Suudaan tacaddiyo badan kala kulmaan.

Dadkaasi qoxootiga ah waxay sheegeen dhibaatada iyo cadaadiska inuu ku sii batay wixii ka dambeeyey markii ay billowdeen dagaallada xuduudda ee labada dal u dhaxeeya, taasina ay ku abuurtay walwal iyo cabsi aad u badan.

Waxayna intaasi ku dareen xerada qoxootiga ee UNHCR muddo laba bilood ah markii ay dagganaayeen loo wareejiyo halka lagu qubo qashinka magaalada Khartuum oo aan nolosha ku habbooneyn.

LEAVE A REPLY