Maamulka Gobolka Sanaag iyo Ka Degmadda Ceerigaabo Oo Baaq Qayl Dhaanna Diray

0
515

Ceerigaabo (HP): Maamulka gobolka Sanaag iyo ka degmadda Ceerigaabo ayaa maanta baaq wada jir u diray xukuumadda dhexe ee Somaliland iyo haayadaha caalamiga ah ee dalka ka hawl galla.
Kadib kulan ay maanta ku yeesheen xarunta maamulka gobolka Sanaag badhasaabka gobolkaasi, ka degmadda Ceerigaabo, iyo madaxda haayadaha dawladda iyo kuwa caalamiga ah ee gobolka Sanaag ka hawl galla.
Waxay ku baaqeen in gurmad deg deg ah lala soo soo gaadho dadka reer-guurraga ah ee ka soo hayaamay goboladda dhexe ee dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Sanaag ahna ku simaha badhasaabka gobolka Maxamed Khalif Nuur, iyo maayarka Ceerigaabo, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dadkaasi soo guuray ay culays badan ku keeneen gobolka.
Waxaanay xukuumadda Somaliland ugu baaqeen in ay u diyaar garowdo sidii dadkaasi ay abaartu soo qixisay caawimo loo gaadhsiin lahaa, iyadoona dhibaatooyinka haysta ay ka mid yihiin biyo la’aantu.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here