Maamulida dhaqaalaha ee Hawada Soomaaliya oo laysku haysto

0
1073

Muqdisho (Hargeisa Press)- Soomaaliya, ayaa waxaa ay maamulka hawadeeda ku wareejinaysaa Shirkad laga leeyahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Shirkaddan oo lagu magacaabo Cloud Air Navigation Services, ayaa awood u leh dhamaan hagida iyo maareynta hawada Soomaaliya.

Shirkadan, ayaa ah mid bixisa adeegyada ku saabsan maamulka hawada iyo duulimaadyada.

Soomaaliya, ayaa todobaadkii hore waxaa ay lacag qabashada maamulka hawada ku wareejisay Shirkad lagu magacaabo Nav Pass oo iyadana laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Shirkada Nav Pass ee ay Soomaaliya ku wareejinayso maamulka hawada, ayaa waxaa ka soo horjeedsatay isla-markaana ka cadhootay Shirkadda Favori LLC ee maamusha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, lagana leeyahay dalka Turkiga.

Warqad ay Soomaaliya u dirtay dalka Turkiga kuna ogaysiisay Safaaradda Turkiga, ayay ku sheegtay inay si adag u diidan tahay inay uruuriso khidmadaha garoonka diyaaradaha, shirkada Nav Pass oo lagu amray inay qaado lacagta hawada Soomaaliya.

Shirkadda laga leeyahay dalka Turkiga ee Favori LLC, ayaa waxaa ay sheegtay in heshiiskii loo saxeexay sannadkii 2013-kii uu ka soo horjeedo heshiiska hada la siiyay shirkada Cloud Air Navigation ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Dhinaca kale, Maareeyaha hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya Axmed Macalin Xasan oo ka hadlay arrinta ku saabsan shirkadda Nav Pass ee la sheegay in lagu wareejiyay qaadida dakhliga hawada Soomaaliya, ayaa sheegay in shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ay u xil saareen inay soo uruuriso keliya kharashaad aanay bixin shirkado badan oo diyaaradeed, mudadii hawada laga soo wareejiyay hay’adda UN.

Waxaa uu sheegay in shirkadda Nav Pass ay soo uruurineyso xogta shirkadaha shaqaynaya, wuxuuna xusay in marka ay soo dhamayso lacagta qaadida ay lacagta ku soo shubi doonto bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Maareeyaha hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya, ayaa sheegay in lacagta hawada Soomaaliya loo qaado sidii ay ahayd oo lagu soo shubo bangiga Soomaaliya, isagoona arrinta shirkadda Nav Pass ku sheegay inay ku kooban tahay lacago maqan, sida uu ku sheegay waraysi uu siiyay warbaahinta ay maamusho Soomaaliya.

Soomaaliya, ayaa sanadkan u dambeeyay dalal iyo shirkaddo la gashay heshiisyo, kuwaas oo qaarkood isku lidi yihiin, arrinta maamulka hawada ee ay laba shirkadood kula heshiisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here