Dhacdooyin ka taariikheed xiligii la joogaba waxay sumtaan ama ay reebaan hadalo iyo dhacdooyin ma hadhooyin noqda, kuwa la taaggo iyo kuwo la duuggo, mar waa la qotamiyaa oo sadaraa lagu xardhaa, waa la himilaystaa hiraal na waa laga dhigtaa waana markay raad hoggaamineed reebaan, mar waa la duuggaa foolaad na lagama yeesho hadday dhacdadu hilmaamsan tahay higsiga hoggaamineed.
Hanyaraantu waa dabarka himiladda, waxay xanibtaa ama booggaysaa shakhsiyadda qofka, waxay xayn daab ku noqotaa isticmaalka awoodaha qof ka ku duugan, si kastoo ay tahay haddana way dhacdaa inaad qof badhi taageer u noqoto wayna dhacadaa inaad hanka uga tanaasusho qof kale, lakin is
waydiintu waa qaab noocee ah ayaad hankaaga ugu dabri kartaa qof kale? Sidee dad kaaga/taageerayaashaada ugu sheegaysaa ama ugu sababayn kartaa? Ma kula tahay kol haddii aad ka fursan waydo hebel marka uu Haaakah yidhaah dabaddii han baan leeyahay in aadan waxba doonayn lakin aad ka dardaar warinayso cid wax is bidday? Waxa kugu dhalan kara waydiimaad badan marka han kaaga ku koobta cid kale intay joogto.
Aan u soo noqdo kulan balaadhan aggaasimeen na Wasiiradda Dibadda iyo Lacagta, ujeed kiisuna daarnaa bandhiga ama soo gudbinta hunguriga ka haya Kursiga dalka ugu sarreeya, ayaa waxa la filanayey in bulshada si cilmiyeysan ugu soo bandhigaan damacooda Siyaasadeed, waa la odhan karaa xafladda in si wayn looga soo qayb galay sabab na ay u ahayd Wasiir Dibadeed ka oo hore looga maqal damaca ka haya kursiga ugu sarreeya wax aan ka ahayn tuhun, sidaa awgeed dad badan waxay ugu muuqatay in hankiisa ku soo bandhigayo iyadda oo si wayn loo gu dhag taagayey waxa cusub ee saaxadda uu ku soo kordhin karo, waxa kale oo dad ka qaar aamin sanaayeen in Wasiir ka lacag tu ku badhi taageerayo kulankaa, in kale waxay tuhmayeen waxa laga sii qaylinayaa inay tahay waxkhtiga is guraya ee haya Wasiir Samaale loo gana fadhiyey tanaasulaad inuu sameeeyo, sidoo kale waxa iyana dad ka qaar u muuqanaysay in go’aamada iyo howsha ay gacan ta ku hayaan ganacsatadu lagu tafaafulayey, taas waxa muujinayey sida laba Wasiir iskugu gaashadeen hal kulan, iyo waxa ku galifayey inay hadhimo sharfeed ku shuraakoobaan iyaga oo tanaasul isku muujin, halkaa waxa uga muuqanaysa bulsho badan inay daarnayd xafladdaasi bariis yahow ku cunay ama ku ciideeyey, waxana arrinkaa loo sibir saarayaa waxa aan buurnayn ee ka soo baxay la guna tilmaamay inay wajigabax aan la filayn la kala kulmay, waxa kale iyana dad ka qaar u muuqanaysay in Wasiiraddu isku guurayeen faham dhexdooda ahna jirin. Si kasta oo wax loo sii malaynayey waxa meesha lala shir yimiday ayaan u qalmin in dad ka loo gudbiyo, in Madaxweynuhu xaq u leeyahay kal kiisa labaad inuu isa sharaxo hadduu tahli karo maaha mid doodi ka taagan tahay, in la taageero iyo in laga soo horjeesto waxay u taal bulshada, labadana waa sunaha doorasho haa iyo maya-du lakin waxa ayaan darro wayn ahayd kuna hayd dad kii loo martida ahaa in ammaanta Madaxweynaha wax ka siyaadsan meesha lala iman, qaar ka mid ah Wasiiraddu waxay hilmaamsan yihiin ammaanta ay samaynayaan ee xad dhaaf ka ahi inay iyaga liidnimo ku tahay Madaxweynaha ayna waxba u tarayn, waana waxa dhaliya kali talisnimada marka xuquuq uuna lahayn oo ammaaneed la huwiyo, si kastoo ay tahay nin ba marbuu gowracmaa ama marbuu soo mudhaa bulshaduna u riyaaqdaa ama ka riyaaqdaa ee xafladdaas cid baa kawaan ka qowraca la saarray, waxana lagu muujiyey bandhiggaas in han siyaasadeed la hayn ujeed ka la ga lahaa la gu tilmaami karo carqaladaynta iyo in la turraan turreeyo howsha culus ee odayaashu isku xilsaareen in kala basriyo cidda u qoryo guratay quud aan jirin, ujeed kaas waxay ku suurro gali lahayd haddii si tolmoon wax loo soo bandhigan lahaa firkir ka iyo doonistana la xayaab tiri lahaa, middaas oon dhicin una muuqanaysa in fashil lafteeda ku yimiday sida wax loo waday, sidoo kale haddii Wasiiraddu ku dhiiraddeen hab qabiil inay hankooda ku gudbiyaan halmaamaanna xilka guud ee Qaran ka u hayaan waxa u macsuumnaana yahay jufadda ay ka soo jeedaan waxa la gudboonayd in si hufan wax u sheegtaan kana guuraan tiraabtan dhaqan