Hargaysa (HP): Xildhibaan Olivier Cadic, oo ka mid ah barlamaanka dalka Faransiiska ayaa sheegay in dagaalka ka socda magaaladda Laascaanood ay ka tahay Al-shabaab.
Waxaanu tilmaamay in arrinta Laascaanood xog uu ka helay ay muujinayso inay jiraan cadaymo ku filan, oo sheegaya in ay dagaalka Laascaanood ku jirto Al-shabaab
Xildhibaan Olivier Cadic, oo maalmahan ba booqasho ku joogay Somaliland, isla markaana madax kala duwan kulamo la yeeshay oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargaysa, waxa kaloo uu sheegay in Al-shabaab aanay keliya khatar ku ahayn Somaliland, balse waxay sidoo kale khatar ku tahay dunida dimoqraadiga ah oo dhan.
Sidaas darteed na ay lagama maar-maan tahay in Somaliland laga taageero sidii looga adkaan lahaa Al-shabaab.
Geesta kale Xildhibaan Olivier Cadic, waxa uu ka warbixiyay meello ka tirsan Somaliland oo uu booqday mudadii uu dalka joogay.
Kuwaasoo ay ka mid ahaayeen magaaladda Berbera, dekadda Berbera, iyo madaarka Berbera.
Waxaanu sheegay inuu goobahaasi ku soo arkay maalgashiyo badan oo laga sameeyay.
Waxaanan rejaynayaa in ay dalal kale ku soo hiran doonaan, oo ay iman doonaan Berbera. Waxa kaloo aan booqday Laas-geel, oo midawga Yurub uu maalgelin ku sameeyay.
DAAWO: Hadalka Xildhibaan Olivier Cadic:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.