Laascaanood: Gabadh Yar oo Kufsi iyo Jidhdil Loo Gaystay

0
2103

Laascaanood (Hargeisa Press)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in duleedka magaalada Laascaanood Kufsi iyo Jidhdil loogu gaystay Gabadh Yar.

Gabadhan yar oo magaceeda lagu sheegay Farow Aadan Sugule ayaa markii Kufisga iyo Jidhdilka loo gaysanayay ka carawday gudaha magaalada Laascaanood.

Sidoo kale, Haweenaydan ayaa laga jabiyay labada Lugood, Gacanta midig iyo Madaxa.

Dhinaca kale, Xaalada Gabadhan Yar ayaa lagula tacaalayaa Cisbitaalka guud ee magaalada Laascaanood.

Maamulka Cisbitaalka Laascaanood iyo Waalidka dhalay Gabadhan Yar ayaa ka waramay dhibaatada loo gaystay iyo xaalada ay ku sugan tahay hada.

Maamulka gobolka Sool ayaa ilaa iyo hada aan ka hadal falkan foosha xun ee loo gaystay Gabadhan yar iyo soo qabashada Ragii falka gaystay.

 

Hargeisa Press.com/Laascaanood Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here