Hargeysa, (HargeisaPress) —Abwaan Xassan Saleebaan Dhuxul – Gudoomiyihii Muddada dheer soo maamulayay kooxda Xiddigaha Geeska ayaa sheegay inuu iska casilay xilkaas, fariin kooban oo uu soo dhigtay barta uu ku leeyahay shabakada Bulshadu ku kulanto ee Facebook.
Shirwaynaha kooxda oo ay kasoo qayb galeen 22 xubnood ayaa Qoraal ka soo baxay xarunta xidigaha Geeska ee magaalada Hargeysa fiidnimadii Axada lagu sheegay in ururka fanaaniinta Xidigaha Geesku doorteen xubno maamul oo cusub, xilkiina ka qaadeen Gudoomiye Xassan Saleebaan.
Laab-Saalax, wuxuu qoraalkiisa ku sheegay inuu jiray Muran soo jiitamayay oo ka dhex aloosnaa xubnaha xidigaha geeska, sidaas darteedna uu xilka gudoomiyenimo isaga casilay.
“Kooxda Xidigaha Geesku Waa Koox Ku Dhisan, Nidaam Sharciya islamarkaana Leh Qawaaniin Ay isku Maamusho.
Hadaba iyadoo Kooxda uu Muran Ka Taagnaa in Muda ah. Ana Aan ka Maqnahay dalka waxaan Shacabka Ku Xidhan Kooxda iyo Xubnaha Kooxda u Cadaynayaa In aan Si Rasmiya iskaga Casilay Xilkii Gudoomiyenimo
Maamulkii iyo Xunihii kooxda ahaa sida wacan iila Soo Shaqeeyayna Waan u Mahadcelinayaa.
ALLAAAAAH MAHAD LEH