Kulan Dhexmaray Wasiirka Qorshaynta Somaliland iyo Wefti Ka Socday Baanka Adduunka

0
348

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland Dr. Axmed Aadan Buuxane, ayaa shir la yeeshay wefti ka socday Baankaa Adduunka.


Kulankan waxaa wasiirka qorshaynta ku wehelinayay wasiirrada wasaaraddaha maamula mashruuca biyaha ee Barwaaqo iyo farsamayaqaanada maamula mashruucaasi oo dhawaan laga horgeliyay magaalada Hargeysa.

U jeedadadda kulankani ayaa ahayd sidii la isaga xog waraysan lahaa mashruuca uu Baanka Adduunku maalgaliyo ee mashruuca Biyaha ee Barwaaqo.
Mashruucan waxa uu diiradda saarayaa Biyaha iyo yaraynta u nuglaanshaha abaaraha.


Sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ahaa oo kooban oo ay soo saartay waaxda warfaafinta ee wasaaradda Qorshaynta qaranka JSL.

Wasiirradii kulanka ka qayb galay ee wasaaraddaha maamula mashruuca biyaha ee Barwaaqo, waxaa ka mid ahaa wasiirka wasaaradda Xanaanadda Xoolaha, iyo Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, wasiirka Biyaha Cali Mareexaan.


Wasiirka wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, iyo sidoo kale masuuliyiin iyo farsamo-yaqaanadda maamula mashruucaasi oo dhawaan laga hirgeliyay magaaladda Hargeysa.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here